Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada Sierra Leone ee Ku Sugan Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday Inaysan Helin Wax Mushahar ah

$
0
0

raxanreeb_degdeg342Free Town (RBC) Dawlada Sierra Leone oo ka mid ah dawladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya illaa labo bilood aysan helin wax mushahar ah.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Sierra Leone ayaa lagu qeexay in tan iyo markii dawlada Sierra Leone ay geysay gudaha Soomaaliya ciidamadeeda oo hadda laga joogo toddobo bilood ay heleen kaliya shan bilood illaa haddana aysan helin labada bilood ee kale.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dawlada Sierra Leone ay Soomaaliya keentay 750 askari kuwaasoo ku sugan gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wasaaradda difaaca Sierra Leone waxay intaa ku dartay in ciidamada ka jooga Soomaaliya illaa hadda ay siiso mushahar ka yimid jeebka dawlada Sierra Leone, gaar ahaan labadii bilood ee u dambeeyay maadaama aaney soo gaarin mushaharkii ay ka sugayeen Midowga Afrika oo hawlgalja AMISOM uu hoostago.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dal ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu k acawdo mushahar la’aan iyadoo la og yahay in ciidamada AMISOMee dalalka shisheeye ee jooga dalka ay helaan in ka badan $1,200 oo mushahar ah askari kasta halka ciidamada dawlada Soomaaliya ay mushahar u leeyihiin $100 kaliya taasoo mararka qaar dhowr bilood aaney qaadan oo la waayo.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles