Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay in shirka Brussels uu muhiimad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya

$
0
0

astaanta qarankaBrussels(RBC Radio) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljim ayaa ka hadlay shirka ka socda magaaladaas ee looga hadlayo arimaha hormarinta caalamka oo ay ka qaybgalayso R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow ayaa sheegay in shirkaas uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, wuxuuna tilmaamay in si gaar ah looga hadlay xaaladda  Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya loogu taageeri lahaa dadaalada ay ugu jirto samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow ayaa xusay in wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay khudbad dheer ka jeedisay shirka, waxayna tilmaamtay in Soomaaliya ay kasoo baxday 23sano oo burnur ah, waxayna sheegtay in caalamka looga baahanyahay in dowladda Soomaaliya ay ku taageeraan qorshayaasha ay ku samatabixinayso dalka iyo dadka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Marwo Yoosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo hadal qaaday shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha uu wabiga shebeelle ka gaystay gobolka Shabeelaha Dhexe iyo roobabka duufaanada watay ee ku dhuftay deegaanada maamulka Puntland, waxayna caalamka ka codsatay in dadkaas dhibaataysan lasoo caawiyo.

Brussels(RBC Radio) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljim ayaa ka hadlay shirka ka socda magaaladaas ee looga hadlayo arimaha hormarinta caalamka oo ay ka qaybgalayso R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow ayaa sheegay in shirkaas uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, wuxuuna tilmaamay in si gaar ah looga hadlay xaaladda  Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya loogu taageeri lahaa dadaalada ay ugu jirto saata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow ayaa xusay in wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay khudbad dheer ka jeedisay shirka, waxayna tilmaamtay in Soomaaliya ay kasoo baxday 23sano oo burnur ah, waxayna sheegtay in caalamka looga baahanyahay in dowladda Soomaaliya ay ku taageeraan qorshayaasha ay ku samatabixinayso dalka iyo dadka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Marwo Yoosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo hadal qaaday shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartay fatahaadaha uu wabiga shebeelle ka gaystay gobolka Shabeelaha Dhexe iyo roobabka duufaanada watay ee ku dhuftay deegaanada maamulka Puntland, waxayna caalamka ka codsatay in dadkaas dhibaataysan lasoo caawiyo.

Dhanka kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in caalamku uu aad ula dhacsan yahay sida u madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mdane Xasan Sheekh Maxamuud uu u wado howsha dowladda Soomaaliya.

Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yiriisoow ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay dhambaal ka wado madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhambaalkaas uu madaxweyne Xasan SH Maxamud caalamka kaga codsanayo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay dowladdu wadato si loo samatabxiyo dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in caalamku uu aad ula dhacsan yahay sida u madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mdane Xasan Sheekh Maxamuud uu u wado howsha dowladda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles