Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maantay kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland siyaasi C/daahir Maxamed Yuusuf Yey,waxana dhawaaqistaan ay timid kadib markii uu munaasabad ballaaran uu ku qabsadey Gaalkacyo.
Dadweyne kala gadisan ayaa munaasabada ka soo qeyb galay waxaana ay isgu dhafnaayen,siyaasiyin,waxgarad,Odayaal,dhalinyaro iyo haween,waxana dhamantood ay soo dhaweyen ku dhawaaqista C/daahir Maxamed Yuusuf ee uu maantay caddeyey inuu yahay musharax utaagan hoggaanka Puntland.
Musharaxa ayaa madasha ka jeediyey khudbad muddo qaadatay oo uu ugu hadlay arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin qorshayaashisa siyaasaded ee uu doonayo inuu ku hoggaamiyo shacabka Puntland,waxana uu soo hadal qaaday inuu doonayo isbadal ka dhasha dhinacyada ammaanka,waxbarashada,caafimaadka iyo agabyadda kale ee aasaasiga uu ah shacabka Puntland.
Ugu horeen waxaa uu hadalkii uu ku soo qaday musharaxa mahad-celin uu u soo jeediyey ka soo qeyb galayaashi munaasabada.
….”"”Waxan marka hore idin kaga mahad-celinaya sida wanagsan ee ad munaasabad uga soo qeyb gasheen,waxana ay ujeedadu tahay inan idin caddeyey in an maantay ahay musharax utaagan xilka madaxtinimo ee Puntland,waxana qorsheynaya haddii an hoggaanka ku guulesto isbadal muuqda inan la imaado,waxana xoogga saari doonna isbadal ka dhashay baahiya aas aasgi uu ah bulshada Puntland…”"”ayuu yiri musharax C/daahir Maxamed Yuusuf .
Musharaxa sidoo kale waxaa uu khudbaadisa uu ku soo hadal qaaday marxaladihii ay soo martay Puntland,waxana uu sharaxaad ka bixiyey marxaladihii kala gadisna ee ay soo martay Puntland mudadi ay dhisneed.
.…”"”Puntland waxaa xusid mudan inay soo martay marxalado kala gadisan,waxana jirta in xilligaan ay muuqato habacsanan badan,markad egtid dhinaca dhismaha ciidamada ee Puntland ma gaarin herkii loogu tala galay waxana muuqata baahi badan oo dhismo ciidan ah oo dalka ka jirta…”"”ayuu yiri musharaxa.
Baahida amni ee jirta ayuu ka hadlay musharaxu:
…”"Runtii waxaa nasib darro ah oo ayan daro lugu tilmaami kara marxaladda ay ku dhisan yihiin ciidamada amniga ee Puntland oo muddo dheer jirtay,ciidamada kuwa booliska markan eegno ma garsiisna heerkii la doonayey inay garto,waxana sidoo kale idin sheegaya wax laga xumaado inay tahay aniguna an ka xumahay dadkii bulshada hoggaanka iyo indhaha uu ahaa ee lugu dilay Magaalooyinka Puntland sida Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe,taas wirta axaa dher lama yaqanao ciida dadka leysa,waxan oran kara ammaanka waxaa dhankiisa ka jirta habacsanaan muuqata…”"”ayuu ka yiri amniga muhsraxa mar uu ka hadlay.
Waxbarashada iyo caafimadka ayuu musharaxu sidoo kale khudbadiisa uu ku soo qaday:
…”"”Waxbarashada iyo caafimaadka waa bilowga nolasha ee aas aaska uu ah bulsho kasta,xaga waxbarashada waxaa muuqata inay wali wax dhiman yihiin oo ay harsanyihiin,qorshayasheyda waxaa kow ka ah inan saro u qaado baahida dhanka ka jirta,arrinta kale ayaa ah sidii saro loogu qaadi laha kaabayaasha dhaqaalaha kuwaaso loobahan yahay in la horumariyo anigana wax ku dadaalaya sidii arrinta ay u imaan lahayd….”"”ayuu yiri musharax mar uu arrinta ka hadlay.
Xiriirka Puntland iyo dowladda faderaalka ayuu musharuxu uu ka hadlay
….”"”Waxaan ayan daro illa muuqata in uu san jirin xiriir u dhaxeeya dowladda faderaalka iyo Puntland,anagoo ogsoon in aas aaskii ay Puntland lahaayd in dowlad rasmi ah ka hana qaado dalka,mana aha ayan oran kara in maantay ay arrinta timaado,qorshayeyda sidoo kale waxan xoogga ku saaro doonna haddii an xillka ku guulesto inan ka shaqyan doono dhinacyada isku duubnida dadka Puntland oo hatan gobollo muhiim ah ka maqanyihiin, waxana u dagaallami doonna sidii loo heli laha midnimada Puntland….”"”ayuu yiri musharaxu.
Isku soo wadda dubo doorashada dhacaysa bilowga sannadka cusub ee Puntland ka qabsoomaysa ayaa noqonaysa mid ay ka qeyb galaan musharaxiintii ugu badneed ee tan iyo markii la udbay Puntland isku soo taaga hoggaankeda.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio