Muqdisho(RBC Radio) Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay dad uu sheegay inay soo qabqabteen iyagoo isticmaalaya Baasaboorro sharci darro ah, taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Jenaraal Gaafoow ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha ay ku xireen dad si sharci darro ah u isticmaalayay Baasaboorkii cagaarnaa oo ay hore dowladda Soomaaliya u mabnuucday.
Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Jenaraal Gaafoow ayaa sheegay in dadka la xirxiray ay wateen Baasaboorkii hore ee cagaarnaa, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday in lagu isticmaalo gudaha Soomaaliya.
Jenaraal Gaafoow ayaa tilmaamay in ku dhowaad 20 ruux laga qabtay gudaha Garoonka Diyaaradaha iyagoo si sharci darro ah u isticmaalaya Baasaboorkii cagaarnaa,Taliyaha ayaa sheega inay dadkaas la xirxiray ay ku sii jeedeen magaalooyinka Hargaysa iyo Barbara ee maamulka Soomaaliland.
Taliyaha Hodaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Jenaraal Gaafoow ayaa xusay in dadka qaar ee la xirxiray ay u sheegeen in falkaas ay ka dambeeyeen shirkadaha duulimaadyada dalka oo u sheegay dadkaas in la isticmaali karo Baasaboorkii cagaarnaa marka ay u safrayaan deegaanada maamulka Soomaaliland.
Jenaraal Gaafoow taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto shirkadaha falkaas ku kacay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho