Garoowe (RBC RADIO) Wasiiru dowlaha Maamul Wanaaga Dowlada Puntland Maxamed faarax Ciise Gaashaan ayaa Saxaafada u sheegay in wali Dowlada Federaalka ee Soomaliya aysan soo gaarsiin lacagtii halka Malyan ee Dollar ahayd ee ay Balan qaadeen saan saan teedana aysan iminka muuqan taasoo horay uu ugu dhawaaqay in Puntland ay Gaarsiin doonaan deeqdaasi Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Soomaliya.
“ kama aysan Qayb qaadan Dowlada Federaalku Gurmadka ka socda Puntland ee loo sameynayo dadkii ku cayroobay roobabkii Da’ay Lacagti ay balan qaadeenna nama soo gaarsiin taa halala socdo waxaa macquul ah in dadku is yiraahdaan Lacagtii Puntland waa la gaarsiiyay, waxaase muhiim ah in la ogaado in hanti badan iyo gurmad badan loo fidiyay dadkii dhibaatadu soo gaartay oo aan loo baahi qabin Kaalmo lala soo daahay, dadka soomaaliyeed ee ka qayb qaatayna meel kasta oo dalka iyo dibada ka joogaan waxaan leenahay Ajar alle ha idinka siiyo ayuu yiri Gaashaan.
Wuxuu sido kale Baaq u diray Xukuumada Kuwait isagoo u sheegay in Lacagta ay ku deeqday xoolo loogu iibiyo dadka xaalada adag haysato balse marakan ay raashin hodan ka yihiin oo Gargaar in ku filan ay heystaan sidaa darteedna aysan raashin hada baahida ugu wayn ahayn xoolose ay lama huraan tahay in Lacagtaasi loogu iibiyo.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.