Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in Awooda Gobolka Nugaal iyo Amnigeeduba uu hoos imaanayo isaga Garoowena ay ka dhici doonto Doorasho Xor oo xalaal ah Amniga Musharaxiintana la sugi doono laguna soo dhaweyn doono Garoowe, Qof kasta oo Muwaadin ahna uu xaq u leeyahay in uu isa soo sharxo hase ahaatee Musharaxiinta qaar ay ka bad badinayaan wadankana ay ka dhigayaan mid aan amni ka jirin ama cid u juujuuban ayuu yiri mar uu Maanta ka hadlayay Kulan Xoolo loogu Aruurinayo Dadkii ku dhibaatoobay roobabkii Puntland ka da’ay.
“ Waxaan leeyahay dadka Musharaxaiinta ah ee meelaha wax ka sheeg sheega adeerayaalow kursi ku heli meysaan in aad dalka jaa’ifeysataan ood ku sheegtaan waxaan jirin waxaan idin leeyahay Dalku waa Amni waana idin soo dhaweynayaa aniga Masuulka ka ah Gobolka ayaana sidaa idiin sheegaya, Adeerayaalow waxaa iga codsi ah dadka aad la hadleysaan u sheega waxa aad u qabaneysaan hadii ay idin doortaan kana shaqeeya isu keenida iyo Amni sugida Dalka laakiin kursi ku heli meysaan waxaan jirin oo la sheego, Dadka waxaan leeyahay musharaxiinta soo dhaweeya xaq beyna u leeyihiin in lasoo dhaweeyo lana ixtiraamo waase intii mudan ee wanaaga ka shaqeysa, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.
Mudane Qarjab wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in Doorasho Codayn Shacab ah aysan oolin Puntland oo 66 xildhibaan ay ay wax dooranayaan kuwaasi ayaa mudan in lala hadlo oo codsiyada loo dirsado laakiin maahan in shacabka Masaakiinta ah la kiciyo oo dareenkooda wax aan ahayn la gelsho sidaana waxba ku hagaagi mayaan ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
“ dalku waa nabadgelyo waxaa la yaab leh in musharaxiinta qaar ay leeyihiin intaa xun intaa wax ka qaldan yihiin intaa amnigeedu sugnayn intaa qolo gaar ah ka talisaa war dalku waa keenii dadkuna waa xor iska daaya waxa aad meelaha aad ka leedihiin danta Umada iyo Hormarkeena aan ka talino cidii Hogaankaa ku guuleysatana halala shaqeeyo si walaal nimo ah Cadaw badan ayeey Puntland leedahay marka raga sharxan waxaan leeyhaay dalku waa kiinii ciidanku waa kiinii xilkana kii rabi u qoraa qaadanaya ee soo diyaar garooba caasimada imaada waana idinku soo dhaweyneynaa ayuu yiri Mudane qarjab.
Hadalkan kulul ee kasoo yeeray Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab ayaa imaanaya iyadoo wali Garoowe ay Joogaan Musharaxiin kooban oo u dhashay Gobolka Nugaal walina aysan Cagta soo dhigin Musharaxiinti kale ee hogaanka Puntland isu soo taaktay wallow qaarkood ay sheegeen in Boorsooyinkoodu u xir xiran yihiin kuna soo wajahan yihiin Caasimada.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.