Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

10kun oo neef oo loo aruurinayo dadkii Musiibadu asiibtay ee Puntland (Sawirro).

$
0
0

 

DSC00615

Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay Kulan ay isugu yimaadeen Nabadoonada Samadoonada Isimada iyo Masuuliyiinta Gobolka Nugaal waxaana qorshuhu ahaa Xoolo Goyn loo samaynayo Dadkii ku hanti beelay Dabaylihi Roobabka Watay ee ka dhacay Puntland, waxaana Madasha ka hadlay nabadoono badan oo fikir kusoo jeediyay in xoolo loo aruursho dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ka dhacday Gobolada Qaar.

 DSC00605

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi xirsi wuxuu sheegay isku  imadkan in uu ka turjumayo gurmad dib u dajin ah in loo sameeyo dadka Xoolo dhaqatada ah ee Gobolka nugaal kuwaasi oo dhibta xoogan ay haleeshay wuxuu cadeeyey wixii hore in ay ahayd gargaar deg deg loogu baahnaa sida cunno biyo Dawo iyo meel la saxeexdo hadase lagu xejinayo dib u dajin iyo Xoolo goyn  loo sameeyo dadkaasi wuxuuna nabadoonada ugu baaqay in ay dib u laabtaan bulshada ay hogaamiyaan, dadkana wuxuu uga digay in ay ka bakhaylaan xoolaha walaalohood loogu gurmanayo.

 12

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Madasha ka hadlay wuxuu tilmaamay in 10kun oo Neef  laga rabo dadka Dega Gobolka Nugaal loona Qaybsan doono si xaq ah, Suldaanku wuxuu sheegay xoolaha la bixinayo in ay noqdaan kuwo Fiican oo aan liidan si dadka loo siiyo wax tayo leh oo ay nacfi ka helaan.

 2

Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo Kulanka soo gunaanaday wuxuu sheegay in dadka ay aad ugu wayn tahay maal jecleysiga hase ahaatee wxii xoolo ah aduunka looga tagi doono qofwalbana uu Camilkiisa la tagi doono Aakhiro iyo Alle Hortii wuxuuna tilmaamay tirada hada laga dhawaajiyay in ay aad u yar tahay ayna ku habooneed in la yiraahdo boqol kun oo Neef hala bixiyo wuxuuse yiri wixii aad sii garataanna ku dara Tobanka Kun ee Neef, sida ugu dhaqsiyaha bandanna haloo keeno xoolahaasi si dadka loola gaaro dib u dajinna loogu sameeyo ayuu yiri Islaanku.

DSC00570

Dadka ay Duufaanadu asiibeen ayaa hada ka gudbay marxalada Gurmadka Deg dega ah una Gudbay Marxalada Dib u dajinta waxaa jira dad iskood isku xilqaamay oo wax garadka Gobolka ah kuwaasi oo in ku dhaw 20 qoys dib u dajin u sameeyey oo xoolo u geeyey waxaana hada laga warsugayaa Xoolahan tirada badan ee la balan qaaday waqtiga ugu dhaw ee laga dhabayn lahaa keenistooda iyo gudoonsiinta dadka u baahan.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles