Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

R/wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday wasaaradaha Warfaafinta iyo Khayraadka dalka

Image may be NSFW.
Clik here to view.
saacid oo booqday
Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta booqday xarumaha wasaaradaha Warfaafinta iyo Khayraadka dalka, waxaana kormeerkiisa ku wehelinayay wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, R/wasaaraha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradahaas,isagoo warbixinno ka dhagaystay shaqaalaha wasaaradahaas.

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane C/faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu horayn kormeerkiisa ka bilaabay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya wuxuuna aad u amaanay heerka wanaagsan ee uu wasaaradda soo gaarsiiyay wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi wuxuuna sheegay in warbaahinta qaranka ay muhiimad gaar ah u leeday qaranimada dalka.

“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaaradiisa ee dib loogu howlgelinayay hay’addaha dawladda, sida Boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay waxqabadka mudada sanadka ah ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

Dhanka kale R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa kormeer ku tegey xarunta wasaaradda Khayraadka dalka, wuxuuna warbixinno ka dhagaystay qaar ka tirsan agaasimayaasha wasaaradaas, waxayna R/wasaare Saacid u sheegeen in mudadii ay shaqaynayeen ay wasaaradda howl balaaran u soo qabteen.

Agaasimayaasha ayaa sheegay inay dadaal xoog leh ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Khayraadka beeraha dalka, waxayna tilmaameen inay heshiisyo caalami ah la galeen shirkado iyo wasaaraddo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiskii wasaaradda Khayraadka dalku la gashay shirkadda Soma Oil and Gas oo baaritaanno ku samayn doonta shidaalka ku jira Badda Soomaaliya.

R/wasaahara Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay markii uu soo gabagabeeyey booqashadii uu ku kala tegay wasaaradaha Warfaafinta iyo Khayraadka dalka, wuxuuna sheegay intii uu booqashad ku guda jiray uu wasaaradahaas ku soo arkay waxqabad aad u balaaran oo ay ku talaabsadeen mudadii ay shaqaynayeen wasaaradahaas.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Trending Articles