Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

C/llaahi Shiikh Axmed Maxamuud oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland(Sawirro)

$
0
0
Musharax C/llaahi shiikh Axmed Maxamuud Cadde

Musharax C/llaahi shiikh Axmed Maxamuud Cadde

Musharax C/llaahi shiikh Axmed Maxamuud Cadde oo maanta xaflad balaaran ku qabtay Hotel Gufurre ee magaalada Qardho ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha Nabadoonada, Siyasiyiin, Maamulka Degmada, Aqoonyahano,Haweenka, Dhalinyaro ku nool magaalada Qardho,waxaana laga soo jeediyey xafladii oo ku soo bandhigay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimada Puntland hadalo taageero u badan,waxaana dadkii ka qeybgalay xafladaani ay sheegeen in Musharax C/llaahi Shiikh Axmed Maxamuud Cadde in uu ka soo bixikaro xilka Madaxtinimada Puntland.

Waxaa Xafladaas ka hadalay Nabadoon Maxamed Adan,Maamulka Gobolka Karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan, Siyaasi Khadar Xaaji Mire,C/llaahi Gelle Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale .

khudbadii uu Musharaxa ka jeediyey Xafladaas.

Ugu horreyn ILAAH baa mahad leh oo noo suurtogeliyey in aan ku kulano madashan quruxda badan. Marka xiga waxaan u mahadcelinayaa madaxda dhaqanka, sisiyiinta, gabdhaha, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ajiibidda aad soo ajiibteen dalabkeyga. Waxaan sidaas si la mid ah ugu mahadcelinayaa warbaahinta iyo dhammaan intii soo agaasintay munaasabaddan.

Intaas ka dib, waxa ujeedka kulankeenu yahay maanta, oo axada taariikhduna tahay 24/11-2013 in aan idiin caddeeyo, kuna dhawaaqo in aan u taaganahay murashax xilka madaxtinimada Puntland, sidaas awgeedna kuma talogelin in aan halkan ka soo jeediyo khudbad dheer ama barnaamij siyaasadeed, dib baanse uga hadli doonaa arrimahaas.

Mudanayaal iyo marwooyin, in dal madax laga noqdaa waa mas’uuliyad aad u culus oo wax layska weydiinayo adduun iyo aakhiroba. Aniga oo sidaas ogsoon ayaan haddana go’aansaday, feker dheer ka dib, inaan isu taago xilkaas culus. Sababta igu riixday waxay tahay welwel aad u weyn oo aan ka qabo xaaladda Puntland maanta ku sugantahay dhinac kasta marka laga eego sida amniga, siyaasadda, dhaqaale-burburka, musuq-maasuq hareeyey dalka, qaab-dhismeedkii Puntland oo kala dhantaalmay, gobollo ka mid ahaana ay maqanyihiin iyo haybaddii dhaqanka oo la wiiqay. Haddaan si kooban wax uga taabto arrimahaas:
Musuq-maasuqu wuxuu gaaray heer laaluushka iyo xatooyada hantida guud si furan looga sheekeysto oo aan laysku ceebeyn dambina laysaga dhigin;

Musharax_Qardho-1
Musharax_Qardho-4
Musharax_Qardho-6
Musharax_Qardho-8
Musharax_Qardho-9
Musharax_Qardho-10
Musharax_Qardho-11
Musharax_Qardho-12
Musharax_Qardho-13
Musharax_Qardho-14
Musharax_Qardho-15
Musharax_Qardho-16
Musharax_Qardho-17
Musharax_Qardho-18
Musharax_Qardho-19
Musharax_Qardho-20
Musharax_Qardho-21

Amnidarrada iyo kalsooni la’aantu waxay gaareen heer bulshadu cabsida ugu weyn ka qaado ciidanka direeskeeda ku labbisan;

Googo’a dalku wuxuu gaaray heer gobollada dalka qaarkood ay samaystaan maamullo u gaar ah; Awoodda dalku waxay ku ururtay xafiiska Madaxweynaha, hay’adaha dalka dhammantoodna waxay u muuqdeen shaqaale ka tirsan madaxtooyada, taasi waxay aad u soo ifbaxday markii Madaxweynuhu si baahsan u caddeeyey in ha’adaha distuuriga ahi ka tirsanyihiin xisbiga horseed. Iyadoo aysan sharciyan shaqaalaha madaxtooyadu xitaa ku khasbanayn in ay horseed ka tirsanaadaan;

Madaxda dhaqanku waxay Puntland ku lahaayeen sharaf iyo haybad gaar ah, waxayna ahaayeen marjaca loo noqdo marka isqabad yimaado, waxa maamulkani gaarsiiyey heer ay isu iman kari waayaan si ay uga taliyaan xaaladdan cakiran ee dalku ku suganyahay.

Arrimahaasoo dhammi waxay keneen: in diktatooriyad maan gurracan loo ekeysiiyo dimuqaraadiyeyn; in hantidii guud loo ekeysiiyo mid gaar ahaaneed; in xilhayayaashii maamulku ay ka awood bataan shakhsiyaad aan xil hayni; in lagu hawlanyahay sidii xildhibaannnada hay’adda xeerdejinta loogu xulan lahaa si baalmarsan sharciga; in xuquuqihii asaasiga ahaa cabburin iyo cagajugleyn lagu xayiro; in kheyraadkii dalka loo adeegsaday dano gaar ahaaneed iyo kala fogeynta bulshada.

Waa arrimahaas waxa cid kasta oo dareen waddaniyadeed leh, islamarkaasna isu maleynaya iney wax qaban karaan ku riixaya iney ka fekeraan una istaagaan sidii dalka loo badbaadin lahaa. Waa arrimahaas waxa anigana igu riixaya in aan hortiina kaga dhwaaqo murashaxnimadeyda.

Anigu ma oranayo haddii la i doorto waxaan dhisayaa jidad iyo warshado, maxaa yeelay haddi aan sidaas iraahdo ama been baan sheegayaa ama waxan ahay kaligi-taliye. Waxan waxqabanayo waxay ku xirnaan doonaan waxa la hayo, waxa la heli karo iyo waxa bulshada mudnaanta u leh. Waxaan shaqada u horreysa ka bilaabi doonaa haddii aan madaxweynaha Puntland noqdo in aan magacaabo kooxo shaqo (task forces) oo aqoon u leh aagagga kala duwan ee horumarinta. Waxa taas khasbaya in ayan maanta Puntland ka jiri karin waxa loo yaqaan ”continuity” oo ah meeshii wax joogeen in laga sii wado.
Waxaan rabaa in aan si gaar ah hoosta uga xarriiqo in ayan sinaba doorasho u qabsoomi karin haddii aan la qaban shirweyne wadatashi oo ay ISIMADU hormuud ka yihiin. Waa arrinta keliya oo suurtagelin karta in gobollada khaatumo ku bahoobay ay dib ugu soo noqon karaan Puntland.

Waxaan u tacsiyeynayaa dadka reer Puntland oo ay duufaanta roobabka iyo dabaylaha wadataa waxyeellada u geysatay oo dhimasho dad iyo duunyoba leh. Sidaas si la mid ah waxaan u tacsiyeynayaa daka ku waxyeeloobay gobolka Shabeelada Dhexe oo wabiga fatahaadiisu sababtay. Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa, anoo marka hore ugu baaqaya inta madashan fadhida, marka xigana Somaalida guud ahaan, in ay u gurmadaan walaalahood oo waa la wadaaye lasii xoojiyo.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa in aan u baahanahay taladiina iyo taageeradiina. Iga guddoma mar labaad salaan iyo mahadnaq.

Wa billaahi towfiiq

Murasshax madaxweyne Puntland
Cabdullahi Sh. Axmed Maxamud

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles