Boosaaso(RBC Radio) Magaalo madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa,waxaa maanta soo gaaray Dr Shire Xaaji Faarax oo u taagan Jagada Madaxtinimada Puntland.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax ayaa,waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso dadweyne boqolaal gaaraya oo isugu jira Issimo,aqoonyahan,culuma’udiin,ganacsato,haween iyo dhalinyaro iyagu si gaar ah u sitay sawirkiisa iyo caleemo qoyan.
Haweenkii yimid garoonka oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta Dr Shire Xaaji Faarax ayaa soo bandhigay ciyaarta Jaan-dheerta oo ay ku weyneynayeen Musharaxa,waxaana rag iyo dumar ay ahaayeen kuwa ku faraxsan imaashihiisa.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax oo dadweynihii soo dhaweeyey kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo sameeyey.
Wuxuu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dhibaatadii kasoo gaartay dadka reer Puntland duufaantii iyo dabeylihii ku dhuftay deegaanada qaar,wuxuuna Ilaahay uga rajeeyey in dhibaatada gaartay ay dhakhso kasoo kabtaan.
Dr Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhawaaqay in Puntland uu yimid Isbadel inuu ka sameyn doono isaga oo ay weheliyaan Shacabka dhammaantiis.
…..”””Puntland,waxan u socdaa Isbadel ,isabadel dhab ah oo lagu kalsoonaan karo la’aantiina Isbadelkaas idinka sameynaya anigu qeyb baan ka noqonayaa inaga oo wada socona Puntland oo dhan….””’ayuu yiri.
Sidoo kale Musharax Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in Puntland wax la qeybsan karto Soomaaliweyn marka ay Puntland muujiso midow loo wada-dhanyahay ,wuxuuna tallo kusoo jeediyey in qoriga la tuuro si horumar loo gaaro.
……….””Aynu iska deyno oo qoriga aan tuurno wax badan bey qabsan kareynaa laakiin waa ineynu midowno oo Maskaxdeena iyo caqligeena mideyno Puntland oo kaamil ah oo aan cidina ka maqneyn aynu qaraar gaarno aynu Puntland wax kaga badelno markaasaan Soomaaliweyn wax la qeybsan kareynaa…….””””ayuu yiri.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax ayaa noqonaya musharaxii ugu shacbiyada badnaa ee lagu soo dhaweeyo magaaladda Boosaaso,waxaana laga dareemayaa deegaanada Puntland ololaha doorashada oo si aad uga socda guda iyo dibadba.
_________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com