Boosaaso (RBC Radio) Musharaxa xilka Madaxweyne ee Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn uga horymid Guddiga amniga ee Doorashooyinka dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.
Dr Cali Xaaji Warsame ayaa Guddiga amniga Doorashooyinka ku tilmaamay in uu yahay mid sharci darro ah isla markaana ballan ka bax ay tahay.
….’’’Annagu ma ictiraafsanin gudiguu dhawaan sameeyey oo ku magacaabay Guddiga amniga doorashooyinka waa sharci darro,waa ballan ka bax….’’’ayuu yiri Dr Cali Xaaji.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Faroole maadaama uu Musharax-yahay isla markaana uu tartamayo ay yihiin isku xaq iyo isku mas’uuliyad taasna uu Ogaado.
Sidoo kale,wuxuu sheegay in arrin lala yaabo ay tahay in Madaxweynuhu sheego in doorashada u tartamayo balse dhanka kale sheego in ammaanka doorashada sugayo taasina ay tahay midaan la aqbali Karin,
….’’’Ma dhici kartaa in Madaxweynuhu yiraahdo waa tartamayaa laakiin doorashada amnigeeda anaa ilaalinaya weliba aniga ayaa mas’uul ka ah iyo kuxigeenkeyga,Wasaaradda Maaliyada,waxaan qabaa Madaxweye Cabdirixmaan anigoo xushmeynaya anigoo tixgalinaya Madaxdii Puntland dhammaantood in u Ogolaado in si xalaal ah u tartamo…’’’ayuu yiri.
Musharaxa Dr Cali Xaaji ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ka dhacdo doorasho xalaal ah isla markaana xiligeeda la qabto balse aan la dib dhigin qabsoomideeda.
….’’’ Puntland waa in ay ka dhacdaa doorasho xaq ah oo xalaal ah lama dib dhigi karo lamana soo hormarin karo xaq dadku leeyihiin weeye,xaq anagu aan leenahay weeye xaq aduunku nagu leeyahay weeye xaq Ummada Soomaaliyeed nagu leedahay weeye…’’’ayuu yiri.
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ayuu u sheegay in laga doonayo in shacabkiisa ku kalsoonaado kana qeybgalo doorasho ku dhacda si xalaal ah.
….’’’’ Inuu ku kalsoonaado shacabka Puntland haduu soo baxana sharci buu kusoo baxayaa haduu waayana xaraguu uga haraya sidaasaa laga rabaa……’’’’ayuu yiri.
Hadalka Musharax oo dhinacyo badan taabanayey ayaa sheegay …..’’’’Shalay markii tartamayey 2008 Madaxweyne Faroole,wuxuu yiri hantida dowlada waa in lagu wareejiyaa cid dhexdhexaad ah maantana saasaan leenahay,wuxuu yiri Guddiga khilaafaadka waa iney noqdaan guddiga dadka u dhaxeeya Issimadu soo magacaabaan anaguna anaguna sidaasaan leenahay………..
Sidoo kale, wuxuu yiri amniga caasimada waa in loo dhiibaa Sarkaal lagu kalsoonyahay anaguna sidaasaan leenahay,wuxuu yiri MEDIA-yada waa iney dadka u dhaxeysaa oo cidna aan la cayrin anagu sidaasaan leenahay,intuu yiri baan leenahay…..’’’’’’ayuu yiri.
Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Beesha Caalamka ugu yeerayo iney goob Joog ka ahaato Doorashada ka dhici doonta Puntland Janaayo 2014.
….’’’’ Waxaan ugu yeerayaa aduunweynuhu inuu doorashada Puntland qeyb ka qaato iney yimaadaan hadey noqon lahaayeen UNSOM,AU, dadka kale ee State Holderska ah ee Puntland daneynaya iney yimaadaan’’’ayuu yiri.
Gunaanadkii ayuu Dr Cali Xaaji soo dhaweeyey Guddiga Beelaha Bari iyo Sanaa gee dhawaan lagaga dhawaaqay magaaladda Boosaaso,Isagoona ku tilmaamay in uu yahay mid xalaal ah ayna taageersanyihiin.