Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sii amba qaaday Akhrinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Hormarinta dalka

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Goblaha shacabka ayaa sii amba qaaday Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Bankiga hormarinta Soomaaliyeed,waxaana kulanka maanta shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare,iyadoo ay kulanka maanta kasoo qayb galeen 198 Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kulan Baarlamaanka wuxuuna ka hadlay arimo ay ka mid yihiin Boosaska Xildhibaanada geeryooday, gudoomiyaha ayaa sheegay inay boosaskaas  buuxintooda ay u taallo Odayaasha dhaqanka ee markii hore soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay labo qodob oo kala ah, in Bishiiba mar ay Xildhibaanada Baarlamaanku yeeshaan kulan albaabadu u xiran yihiin oo looga hadlayo dhaliilaha jira iyo sida loo xalin karo, iyo qodobka kale oo ah in Bishiiba mar ay Xildhibaanadu la kulmaan Shacabka, waxaana kulankaas loogu magacdaray dhagaysiga guuxa Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaas ka dib si toos ah u guda galay Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Hormarinta Soomaaliyeed, Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aallo waydiiyay gudoomiyaha Bankiga, Xildhibaanno kalane waxay u soo jeediyeen gudoomiyaha Talooyin.

Gudoomiyaha Bankiga C/laahi Axmed Afrax ayaa ka hor hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka wuxuuna tafaasiil ka bixiyay qorshaha Bankiga, isagoo sheegay in Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Hormarinta  dalka uusan ka hor imaan doonin shuruucda u degsan dalka.

Gudoomiyaha Bankiga Hormarinta Soomaaliyeed Prf C/laahi Axmed Afrax ayaa si wanaagsan uga jawaabay su’aalihii ay Xildhibaanada Baarlamaanku waydiiyeen, isagoo u mahad celiyay Xildhibaanada talooyinka u soo jeediyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta barri ah sii amba qaado doona Akhrinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Hormarinta iyo dib u dhiska dalka.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles