Beledweyne(RBC Radio) Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeestay hadal dhowaan kasoo baxay masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriiray in 48saac gudahood ay isaga baxaan gobolkaas dadka aan ka soo jeedin.
Col.Cusmaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay warka kasoo baxay masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,wuxuuna tilmaamay in shacabka lagu armay inay 48saac gudahood uga baxaan gobolka Hiiraan ay yihiin dad Soomaaliyeed uuna gobolka Hiiraan ka mid yahay gobolada Soomaaliya.
“dadka lagu amray inay 48saac gudahood uga baxaan deegaanada gobolka Hiiraan waa shacab Soomaaliyeed gobolka Hiiraanne wuxuu ka tirsan yahay gobolada dalka Soomaaliya, hadalkaas waa min aad looga xumaado maamulka gobolka Hiiraan aad ayuu ugu qaldan yahay inuu gobolkaas ka saaro shacab Soomaaliyeed.ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuute ee gobolka Hiiraan Col.Cusmaan Dubad.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa dhinaca kale sheegay in ammaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay aad u adkeeneen, wuxuuna xusay in jidgooyooyin dadka lagu baaro ay dhigeen isgooysyada degmada Beledweyne, si loo xaqijiyo ammaanka magaalada Beledweyne.
Wuxuu tilmaamay taliyaha ciidamada Jabuuti in dadkii dhowaan lagu soo qabqabtay howlgaladii laga sameeyey magaalada Beledweyne ay ku socdaan baaritaanno, wuxuuna ka dhawaajiyay inay maxkamad soo taagi doonaan dadka lagu helo dambi ayna sii dayn doonaan kuwa lagu waayo shakiga loo soo xiray.
Col.Cusmaan Dubad ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan inay ka qaybqaataan sugidda ammaanka gobolkaas si loo xaqiijoyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho