Beledweyne(RBC Radio) Saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa tafaasiil ka bixiyay howlgallo ay si wada jir ah uga sameeyeen ciidamada AMISOM,Ethiopia iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cusmaan Dubad ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd ay ciidamado howgallo ka sameeyeey deegaanada ku dhow dhow magaalada Beledweyne.
Cusmaan Dubad ayaa tilmaamay in ciidamada sida wada jirka ah howlgalka u samaynayay ay shalay magaalada Beledweyne uga bexeen labo dhinac oo kala ah Bariga iyo Galbeedka magaaladaas, wuxuuna ka dhawaajiyay inay ciidamadu gaareen xarumo ay lahaayeen ciidamada ururka Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in ciidamada AMISOM, Ethiopia iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen deegaanno badan oo ay hore gacanta ugu hayeen ururka Alshabaab, wuxuuna ka carabaabay deegaanadaas Baar-dheere iyo deegaanka Raan-gaab oo ka tirsan deegaanada ay gacanta ku hayeen Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Col. Cusmaan Dubad ayaa ku nuuxnuuxsaday in howlgalka ay shalay ka bilaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan uu noqon doono mid joogto ah oo lagu xoreeyn doono deegaanada kale ee gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab.
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa shalay howgallo balaaran ka bilaabay deegaanada ku dhow dhow magaalada Beledweyne si ay uga xoreeyaan deegaanadaas ururka Alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho