BAAQ SAXAAFADEED KU AADAN DOORASHADA SOO FOOL LEH EE MADAXTINIMADA DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA.
- Si loo joogteeyo nabadgalyadda xilliga kala guurka waa in hanaanka doorashadu noqdaa mid ku dhisan hufnaan iyo cadaalad.
- Dalladda PUNSAA waxay ugu baaqaysaa hogaanka dhaqanka ee Puntland in ay soo xulaan golle wakiilo shacab oo sumcad iyo masuuliyad leh kuwaa oo dhowri kara xuquuqaha dastruuriga ah ee Puntland.
- Sidoo kale Dalladda PUNSAA waxay ku baaqaysaa shirweyne wadatashi oo ay ka soo wadda qaybgalaan dhamaan daneeyayaasha Dowladda Puntland sida dhinacyada siyaasada isku haya, hogaanka dhaqanka, indheer garadka shirkaas oo tillabo muhiima u ah helitaanka midnimada Puntland.
- Si loo gaaro doorasho xor iyo xalaal ah laguna wadda qanacsan yahay, Dalladda Ururadda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan murashaxiinta madaxtinimada Dowladda Puntland oo uu ku jiro madaxweynaha Dowladda Puntland ee xilka haya in ay wadda tashadaan iskuna raacaan soo xulidda iyo qaabaynta guddiga nabbadgelyada waqtiga doorashada iyo kala guurka.
- Si loo xaqiijiyo habsami u socodka iyo doorasho xor iyo xalaal ah isla mar ahaantaasna ay wax kastaa ku dhamaadaan waqtiga loogu talogalay , Dalladda Ururadda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxa ay ku baaqaysaa in la dedejiyo magacaabidda guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka.
- PUNSAA waxay ku baaqaysaa in doorashada Madaxtinimadda ay qabsoonto waqtiga dastuuriga ah ee loo qorsheeyey oo ah 8da Janaayo Sanadda 2014.
Allaa mahad leh
Nuur Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Dalladda Ururadda Bulshada Rayidka ah ee (PUNSAA)
sGarowe, Puntland Soomaliya.