Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cade Muuse oo Garoowe Yimi lana Kulansan Safiirada Midowga Yurub.

$
0
0

cade

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynihi Hore ee Dowlada Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirse (Cade) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa barqadi maanta soo gaaray Magaalada Garoowe si aan la shaacin waxaana la sheegay in Jananku ay wehliyaan qaar ka mid ah Isimada Puntland, Safiiradii Maanta yimi Garoowe ee Midowga yurub ka socday ayuu kulan kula leeyahay Xarunta UN Ku ku leeyahay Magaalada Garoowe  sida wararku sheegayaan.

 

General Cade ayaa laga yaabaa in Safiiradu ay kala hadlaan arimaha Doorashooyinka Puntland iyo qaabka ugu wacan ee ay u dhici karto, Arimaha Amniga Musharaxiinta iyo Samaynta Gudiga Qilaafaadka oo ay suurta gal tahay in wada tashi lagala sameeyo Mudane Cade Arimahaasi Maadaama uu horay usoo noqday Madaxweynaha Puntland aqoonna u leeyahay Arimaha Doorashooyinka iyo Habka ay u dhici karaan.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in Mudane Cade uu kulan la qaadan  doono Madaxweynaha Puntland inkastoo aan warkaas si dhab ah loo xaqiijin karin, wuxuuse Isla maanta la kulmay Taliyaha ciidanka Darwiishta Puntland ahna Abaan-duulaha Arimaha Amniga ee dhanka Doorashooyinka Mudane Siciid Dheere, kadibse lama hubo in Mudane Cade uu kusii nagaan doono Gaaroowe Saxaafadana cid Arimahan warbixin ka siisay ma jirto marka laga reebo ilo gaara oo arintan aan kasoo xiganay.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles