Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Yurub oo Lacag ku taageeray Hormarinta Haweenka iyo Joojinta Ka ganacsiga Dadka (Sawiiro).

$
0
0

 

v.....

Garoowe (RBC RADIO) Kulan Agaasiman oo Saaka ka dhacay Xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland waxaa lagu soo bandhigay Taageerada 3,000 Milyan oo Lacagta Yurub ah (Sadex Milyan) kaasi oo lagu hormarinayo Arimaha Haweenka loogana hortagayo ka ganacsiga Dadka siiba Caruurta wuxuuna Barnaamijkan u gaar yahay Puntland oo Mushruucan uu ka fuli doono waxaana Mashruucan hogaaminaysa Hay,ada IOM  ee Socdaalka Caalamka Qaabilsan waxaana kala sii shaqaynaya Mashruucan ,Adra VSf iyo Adeso.

 v2

Furitaanka Mashruucan waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland  Golaha Wasiirada intooda badan,  Safiirka Soomaliya u qaabilsan Midowga Yurub, oo ay wehliyaan Safiiro ka scoday Dalalka UK ,USA, ITALY, FRANCE ,si ay goob joog uga ahaadaan Furitaanka Barnaamijkan weyn oo lagu taageerayo Haweenka iyo Caruuta loogana hortagayo Daabulka iyo ka Gancsiga Dadka.

 DSC00492

Cali Cabdi Madaxa Hay’ada IOM Soomaliya oo madasha ka hadlay wuxuu xusay in IOM ay Mashaariicyo kala duwan ka fulisay Puntland iyadoo ka qayb qaadatay Hormarinta Haweenka dhanwalbaba iyo ka hortaga kiisaska la xiriira Ka ganacsiga Dadka sida Caruurta iyo Hooyooyinka, wuxuuna si guud u dalbaday in wadajir loo ilaaliyo Xuquuqda ay Haweenka iyo Dhalaanku leeyihiin.

 v..

Uqaabilsanaha Soomaliya ee Midowga Yurub iyo Safiirada kale oo hadal kooban dhankooda soo jeediyay waxay sheegeen in Midowga yurub uu mudo ka sheaqeynayay Arimaha Hormarinta Haweenka sida dhanka Waxbarashada Caafimaadkooda Daryeel guud ka midnoqoshada Siyaasada Dalka iyo Hormarinta Caruurta Soomalida iyagoo Mashruucan ka waday Soomaliya iyo Puntland, waxayna Tibaaxeen in Mashruucan uu sii socon doono hadana 3sano oo dheeri ah ay ku dareen.

 v7

Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole oo Mashruucan Daahfuray wuxuu sheegay in Dalka soomaliya Tixgelin gaara looga hayo Haweenka dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba balse burburkii dalka ka dhacay ay dad uu ku tilmaamay dagaal oogayaal ay Dhalinyaradii u fududeeyeen dhibaateynta iyo Kufsashada haweenka ilaa hadana ay ka taagan tahay Muqdisho Meelaha dadka barakacayaashu degen yihiin ee Kenya iyo Puntland qaybo ka mid ah sida uu Mdaxweynuhu yiri.

 v,,

Mudane Faroole Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu sheegay in Soomaliya oo Qura aysan haweenku dhibaato ku qabin balse sidoo kale dalalka Hormaray sida Yurub iyo amerikaba aysan waligood wax jago wayn ah aysan ka qaban oo leys hortaagay isagoo sheegay in Africa Qaybo ka mid ah ay Haweenku Madaxweynayaal ka yihiin,  Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladiisu ay ka hortagi doonto horayna uga hortagi jirtay in Haweenka iyo Caruurta la xaqiro lana dhibaateeyo isagoo sidoo kalena ku talshay in Mashruucan qayb looga Daro Wasaarada haweenka Puntland oo Arimahan si wayn ugu xeeldheeraysa si uu barnaamijkan u najaxo.

 DSC00533

Ugu Dambayntii Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub waxay si midaysan u Daahfureen mashruucan oo mudo 3sano ah ka socondoona Puntland si gaar ahna wax loogu qaban doono Haweenka iyo caruurta  puntland ku dhaqan.

DSC00529v, v,,,,v.v,,

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles