Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xanuuno ka dilaacay deegaano ka tirsan Puntland

$
0
0
Xanuuno ka dilaacay dhulkii ay roobabku ka da'een ee Puntland

Xanuuno ka dilaacay dhulkii ay roobabku ka da’een ee Puntland

Gaalkacyo[RBC Radio]Wararka laga helayo deegaanadi dhawaan ay ka da’een roobabkii dabeylaha watay ee Puntland ayaa la sheegay in xilligaan uu ka dilaacay xunuun ad u daran oo sababay inay  dhulka yimaadan dad kor u dhaafaya 50-ruux oo xanuunkaasi uu ku dhacay.

Maamulka deegaannada uu xanuunka ka dilacay ayaa sheegay in magac usan lahaayeen xanuunka xilligana lugu arkay deegaano badan oo ka tirsan dhulkii ay roobabku ka da’een.

Waxaa la sheegay in caalamado walac ku abuurtay dadka deegaannka inuu la sooo baxay xanuunkaan xilligaan la arkay, guddoomiyaha gobalka Gardafuu ee Puntland Cali Mire Xuseen oo warbaahinta guddaha la hadlay ayaa sheegay in dadka xilligaan uu xanuunku soo ritay ay isugu jiran caruur iyo waayeel.

Cali Mire Xuseen waxaa uu ku sheegay xanuunka xilligan gobolka lugu arkay inuu yahay mid ay sanka dhiig ka keenayaan,halka jirka dadka ay ka soo baxayan cayayaan yar yar oo ku bermay.

…”"”"Runtii deegaanka xilligaan waxaa ka dilaacay xanuun ad u xun,waxana inta an ognahay uu soo ritay oo ay xaaladdodu liidata dad gaaraya 50-ruux,dadka qar sanka ayaa dhiig uu ka imaanaya,halka kuwo kalana markay jirkooda tabtaan ay ka soo baxayana caya-yaan yar yar oo ku bermey,waxana ay noqonaysa in xaaladda liidata ay ka jirto gobolka….”"”"ayuu yiri Cali Mire Xuseen guddoomiyaha gobolka dhawaan ku soo biray Puntland ee Gardafuu.
Guddoomiyuhu waxaa uu ku baaqay in la soo gaaro dhulka ay xanuunada xilligaan ka jiran,waxana uu dowladda Puntland uu ugu baaqay inay soo gaaran dadka xanuunada ay soo riteen.

Horay waxaa looga digay dhulka ay roobabkii ka da’een inay ka dilaaci karaan xanuuna an horey lo arag balse xilliigan waxay u muuqata inaysan jiran dadaalo cafaimad oo dhulkaasi gaaray.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles