Beledweyne(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadanayso dhaliilaha ay u soo jeediyeen odayaasha iyo shacabka ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in odayaasha iyo shacabka gobolka Hiiraan ay dhaliilo dhanka ammaanka ah u soo jeediyeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan wuxuuna xusay inay dhaliilahaa qaadanayaan maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dhawaajiyay in ammaanka gobolka Hiiraan ay dowladda Soomaaliya si wayn u adkayn doonto, islamarkaane ay ka saari doonto kooxaha caadaystay inay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.
C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in falalka lagu dhibaataynayo shacabka ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay aad uga xuntahay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka ku nool deegaanada gobolka Hiiraan inay taageeraan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.
C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Beledweyne oo ay shalay booqdeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho