Nairobi[RBC Radio]Xeradda ay ku noolyihiin malaayinta qaxootiga Soomaalida ah ee dalka Keyna,ayaa waxaa socdaal ku tagay wafti ballaaran oo isagu jira dowladda Kenya xubno ka socda iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.
Ujeeda socdalka ayaa ah sidii wax looga ogaan lahaa xaaladda ka jirta xeryaha Soomaalida ay ku noolyihiin ee Dhadhaab.
Waxana maantey lugu wadda in xeradaasi uu gaaro wafti uu qeyb ka yahay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya josef ole lenku.
Socdaalkii loogu korgaleyey xaaladda Soomaalida ku jirta Dhadhaaab,waxaaa ku waheliyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko,guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayasha(IDPS) ee dowladda federaalka soomaaliya Axmed Daahir Cabdikarim Nuur,Getalo oo ah madaxa laanta arimaha qaxootiga ee dalkani kenya,rauuf madaxa hayada UNHCR ee dalka Kenya, haweeneyda ku xigeenka ah madaxa UNHCR ee soomaaliya,Rufaaci oo matalayay gobalada jubooyinka iyo Dr Abukar oo matalayay gobalka Baay.
Wafdigan ayaa socdaalka ay ku tageen xerada Dhadhaab waxa ay ugu kuur galayeen sida loo bilaabi karo dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xerada Dhadhaab,sidoo kalena Wafdigan waxay booqasho ku tageen xerada qaxootiga ee ifo 2 oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kadib waxay dhamaan horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kulan saacado qaatay kula yeesheen xafiiska hayada UNHCR ayadoo kulankan looga hadlay arimaha dib u celinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Si kastaba waxaa xilligana la sheegaya inay yartahay Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ee doonaya inay dalkooda ku labtaan,inkasta oo uu safiirka uu sheegay in lagacan qaban doonno cidii go’ansata inay dib u laabaneyso.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio