Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka China taasi oo samaysa diyaaradaha, wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay heshiis la galeen sherkadaas ayna dib u howlgelin doonaan duulimaadyadii ay samayn jirtay diyaaradii Soomaali Airline.
Wasiirka warfaafinta Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya C/llahi Cii-moge Xirsi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa tafaasiil ka bxiyay heshiis ay wasaaradiisu la gashay shirkad laga leeyahay dalka China, wuxuuna tilmaamay inay ku heshiiyeen in dowladda Soomaaliya loo sameeyo 4 diyaaradood.
Wasiirka warfaafinta Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu kulamo kala duwan la qaatay masuuliinta shirkadda laga leeyahay dalka China wuxuuna sheegay inay isku afgarteen in Soomaaliya loo sameeyo diyaarado casri ah.
Wuxuuna sheegay in 2 ka mid ah Diyaaradahaas loogu tala galay inay qaadaan min 58 ruux oo rakaab ah, halka labada kalane ay qaadaan min 17 ruux wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inay taasi tahay guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed
C/llahi Cii-moge Xirsi ayaa ka dhawaajiyay in wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah u gashay sidii ay mar kale boorka uga jafi lahayd dib howlgelinta shirkaddii Soomaaliya Airline oo aanan shaqaynin muddo 23 sano ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho