Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay shirkii uu kaga qaybgalay magaalada Kuwait ee dalka Kuwait kaasi oo looga hadlayay sidii ay dowladaha Afrika iyo Carabto ay uga wada shaqayn lahaayeen hormarinta dalalkaas.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu ka dalbaday dowladaha ka qaybgalayay shirka ka dhacay magaalada Kuwait inay taageeraan shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaatay roobabka duufaanada watay ee ka da’ay deegaanada maamulka Puntland iyo fatahaadaha u wabiga Shabeelle ka gaystay gobolka Shabeelaha dhexe.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dheeraaday ka hadalka shacabaka waxyeeladu kasoo gaartay roobabka duufaanada ee ka da’ay deegaanada maamulka Puntland iyo fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka gaystay gobolka Shabeelaha dhexe, wuxuuna ugu baaday dowladaha caalamka inay caawiyaan shacabkaas.
Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Csimaan Jawaare ayaa tilmaamay inay soo dhoweeynayaan dowladaha danaynaya inay maalgashadaan Soomaaliya wuxuuna ku booriyay inay yimaadaan gudaha dalka si ay u maalgashadaan.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare ayaa sheegay in ammaanka Soomaaliya uu hadda aad uga soo hagaagayo sidii hore wuxuuna tilmaamay inay dowladdu damaanad qaadi doonto ammaanka dowladaha doonaya inay maalgashadaan Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho