Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Banaan-Bax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garoowe ka dhacay.

$
0
0

v,

Garoowe (RBC RADIO) Mudaharaadkan  Maanta hareeyey Dhamaan Goobaha ay Dagaan Dadka barakacayaasha ee garoowe ku dhaqan ayna soo qaban qaabiyeen Beesha Degmada Gobolka Sh/Dhexe waxaa looga soo horjeeday Madaxweyne Xasan Sheekh waxayna dadkan tilmaameen in Madaxweynuhu Awoodii loo dhiibay uu ku takri falay lana soo aaday Gobol ay dagan yihiin dad masaakiin ah oo waliba Beeraley iyo Xoolo dhaqato u badan.

Nabadoonada Waxgaradka iyo hooyinkii Gobolkaasi u dhashay oo Saxaafada la hadlay waxay tibaaxeen in Dowlada Dhexe ee Dalka ay dagaal ka hurinayso Gobolkaasi oo ay Hub iyo ciidan usoo dirayso si dadka loo gumaado taasina waxay keentay bey yiraahdeen in Beesha Jareer weyne sida ay u dhanyihiin iyo meel kasta oo ay Caalamka ka joogaan ay kalsoonida kala laabteen Xukuumada Xasan Sheekh ayna  tilmaameen in ay dib usoo  celinayso Mugdigii hore ee Soomaalidu ka Gudubtay.

v,,

Mukhraat Abuukar Xuseen oo Nabadoonadi hadlay ka mid ah wuxuu sheegay in Dowlada Soomaliya ay Dalka dib ugu Celinayso wixii dhacay 1991dii ayna hurinayso Colaad Qabaa’ileed waana qorsheheeda 1,aad buu yiri in Dadka Deegaankaasi degen la barakiciyo, wuxuu kaloo cadeeyey in Dowlada Soomaliya ay Qabiilo kale ku wado in ay dhul balaarsi sameeyaan oo ay Gobolkaasi la wareegaan wuxuuna ugu baaqay dadka deeegaanka in ay iska difaacaan Dadka Cadawga ah iyo Dowlada usoo hiilisayba sida uu hadalka u dhigay.

Mudaharaadka Maanta ayaa imaanaya iyadoo Waxgaradka Beesha Jareer weyne Kulan ay muqdisho ku qabteen ay ku cadeeyeen In Madaxweyne Xasan sheekh uu ka hiiliyay Gobolkooda kaalinna uusan ka qaadan fatahaadadi ka dhacday Jowhar iyo Agagaarkeeda ee Wabigu kusoo fakaday  Deegaankana taa bedelkeed uu kusoo duulay isagoo Magac Dowladeed ku gabanaya sida ay hadlka u dhigeen waxayna  kusoo qatimeen hadalkooda in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowlada Federaalka Soomaaliya.

v,,,
v,,
v,

Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles