Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirkii dhexmaray Murashax Cali Xaaji & Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo dhammaaday (Sawirro+VIDEO)

$
0
0

1Boosaaso(RBC Radio) Murashaxa xilka madaxweyne ee doorashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa maanta (Jimce 22-ka November) waxa uu kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Puntland.

Shirka oo ka dhacay Hotel Village-ka Boosaaso ayay labada dhinac ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo khuseeya sidii Puntland looga
hirgalin lahaa doorasho nabad iyo caddaalad ku dhacda.

Cali Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame oo la hadlay saxaafadda shirka kadib ayaa sheegay in nuxurka shirku uu ku dulwareegayay soo xulitaanka guddiga
khilaafaadka, guddiga amni oo ay dhawaan magacawday xukuumaddu iyo shirka Isimmada Puntland.

Murashaxu waxa uu sheegay in ay ergayga la qaybsadeen mowqifkooda ku aadan qaddiyadahaas, sidoo kalana ay ka dhagaysteen dhiniciisa wixii uu kala soo kulmay dhinacyadii kale ee ay isa soo arkeen.

Murashax Cali Xaaji Warsame waxa uu dareen yididiilo leh ka muujiyay in Puntland ay marxaladda kala-guurka ku mari doonto si guul iyo nabad ah, Puntland-na ay ka dhici doonto doorasho xaq iyo xalaal ah.

Nicholas Kay, ayaa horay u soo booqday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkayo, halkaas oo uu kula soo kulmay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Isimmo iyo murashaxiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland.

 

______________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles