Muqdisho(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka codsaday inay kala shaqeeyaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa sheegay in shacabka ku sugan magaalada Muqdihso looga baahan yahay inay taageeraan ciidamadda ku howlan sugidda nabad galyada magaalada Muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga suganyihiin inay kasoo horjeestaa falalka guracan oo ay samaynayaan Alshabaab wuxuuna ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka si dadka looga qabto kooxda Alshabaab.
Dhinaca kale gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee wali aaminsan afkaarta ururka Alshabaab wuxuuna ka codsaday inay ka soo baxaan ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya, Islamarkaane ay wax la qaybsadaan shacabkooda.
Warka kasoo yeeray gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo is dhexgal dhanka bulshada ah iyo horumar baaxad wayn oo ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho