Gaalkacyo[RBC Radio]Xukuumada Faransiiska ayaa iyadu dowladda Soomaaliyed ee Puntland ka dalbatay inay fasaxdo nin u dhashay dalkaasi Faransiiska oo loo qabtay kiis la xiriira jaajuusnimo,balse arrinata waxaa beeniyey Faransiiska oo sheegay inuusan muwaadinkedu ahaayn jaajuus.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Faransiiska oo lagu magacaabo Romain Nadal,ayaa sheegay in muwaadinka dalkooda u dhashey ee ay qabteen ciidamada amniga ee Puntland inuusan ahaayn jaajuus sida xilligaan looo heysto,waxana uu afhayeenku waxba kama jiraan uu ku tilmaamay eedeymahaasi loo heysto.
.…”"”"Waxaan u caddeynaha Puntland in ninka ay xireen ee lugu eedeyey jaajuusnimada inusan ahaayn jaajuus,waxan marka ka codsaneyna in Puntland ay ninkaasi sii deyso oo ay dib xoriyadiisa u siiso….”"”"ayuu yiri Romain Nadal oo ah Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Faransiiska.
Sidoo kale afhayeen waxaa uu sheegay in Faransiiska iyo Birtein ay iska kaa shan doonan sidii muwaadininteda loo sii deyn lahaa oo ay xoriyadoda u heli lahaayn.
…”"”‘Xilligaan waxaa jira dadaal an wadno annaga iyo Birtein,waxana iska garab siinayna a sidii xoriyadooda ay dib ugu heli lahaayeen labada ruux ee la haysto sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan…”"”"ayuu yiri Romain Nadal.
Hadalkaan ka soo baxay dowladda Faransiiska ayaa imaanaya xilli dhawaan wasiirka amniga Puntland Khiliif Ciise Mudan uu sheegay in ninka la qabtay uu si sharci darro ah ku soo galay gudaha dalka ,isla markaana la xiray xilli uu gacmaha kula jiray arimo basaasnimo.
Kiiska labada nin ayaa noqonaya kiiskii ugu horeeyey oo ajaanib lugu soo eedeyo inay si sharci darro ah ku soo galay gudaha dalka ,isla markaana la xiray xilli uu gacmaha kula jiray arimo basaasnimo.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio