Gaalkacyo[RBC Radio]Kadib markii dhawaan la xiray weriye ka shaqeeya idaacadda Shabeelle iyo maammulaha idaacadaas kuwaaso la sheegay in xarigooda uu sabab u yahay wareysi ay ka qaaden gabar la kufsadey oo iyana la xiray,ayaa arrinta waxaa si kulal uga hadlay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Gabadhan la kufsadey ayaa idaacadda u sheegtay in inta dhafoorka xabad laga saaray la kufsaday,waxana ay da’deeda ku sheegtay inay tahay 19 sanno jir,waxana ay inta ku dartay in labo weriye oo hubaysan ay kufsadeen oo sharafteeda ay meel uga dhaceen.
Waxana arrintan ay kentay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu dalbado in xariga loo gestay wariyaha iyo gabadha labaaro,warkaan ayaa iyimid kadib markii danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo sida sheegay.
…”"”‘Waxaa muhiim ah oo ay xilligaan Qaramada Midoobay rabtaa inay dib u egto oo ay baaraysa eedaymaha la xiriira kufsiga cusub ee Muqdisho laga soo sheegay annaga oo arintan in badan ka digayana…”"”ayuu yiri Nicholas Kay oo arrinta kufsiga ka hadlay.
Sidoo kale wakiil gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa uu lama huran uu ku tilmaamay isagoo xariga wariyaha ka hadlaya,in la dhowro xoriyadda saxaafadda ayna imaan sida uu sheegay in xarig lugula deg dego,waxana uu lagama marmana uu ku sheegay in wadda shaqeeyn dhow ay dhex marto wariyaasha iyo dowladda.
Arrintaan ayaa imaanaysa xilli dhawaan hay’adda Human Rights Watch (HRW) oo ah mid u dooda xaquuqul insaanka ay dowladda faderaalka Soomaaliya ku eedeysey in sidii loogu talla galay an loo baarin kiisaska la xiriira dhibaatenta gabdha,waxana sidoo kale ay sheegtay hay’addu in Muqdisho ay aad ugu soo badanayaan kufsiga lagu hayo dumarka gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio