Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaalada Gaalkacyo oo yeelatay labo garoon diyaaradeed Galmudug iyo Puntland

$
0
0
Madaxweynaha  Galmudug Cabdi Qaybdiid

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,ayaa waxaa ay markii ugu horeysey yeellatay labo garoon diyaaraded oo ay ka kala arrimin doonan labada maamul ee Gaalkacyo wadda deggan waa Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha  Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa shalay galinkii dambe waxaa uu xariga ka jaray garoon ay diyaradduhu isticmaali doonan,waxana horey shacabka iyo masuuliyinta labada maamul ee Gaalkacyo wadda degga ay isticmaali jireen garoonka diyaaraddaha C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo oo ay maamulan Puntland.

Xubno uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid  ayaa isla shalay ka dagey garoonkaan cusub oo ay Galmudug yeellanayso,waxana taasi ay ka dhigaysa garoonkii ugo horreeyey ee deegaannada Galmudug laga hirgaliyo.

Cabdi Qaybdiid  ayaa isgu saxaafadda kula hadlay garoonkan cusub,waxana uu sheegay in loogu magacdaray garoonka diyaaradaha Cismaan Caato,waxana uu sheegay in Cismaan Caato uu ahaa aas aasahi garoonka dhismihiisa nasib wanagna lugu guulestay in la xarig jaro.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Qaybdiid  inuu ku faraxsan yahay hirgalinta garoonka cusub ayna tahay sida uu sheegay mid wax badan ka badali doonta adeegyadii dulimaad ee Galmudug.

Garoonka diyaarada ee laga hirgaliyey koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu ahaa mid dhismihiisu socday muddo hal sanno ah, waxana laga dhisay dhul  qiyaastii 8-km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada  Gaalkacyo.

Si kastaba arrintaan ayaa ka dhigaysa in Gaalkacyo ay yeellato labo garoon diyaaraded oo kala ah   Puntland iyo Galmudug.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles