Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaalada Beledweyne oo ay maanta gaareen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

$
0
0

beledweyneBeledweyne(RBC Radio) Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna soo kormeereen saldhigga ciidamada Booliska degmada Beledweyne oo dhowaan uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah iyo cisbitaalka magaalada Beledweyne.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, wasiirka khayraadka dalka Cabdi Risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne waxayna kulamo la qaateen masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa soo indha indheeyey saldhigga ciidamada Booliska magaalada Beledweyne oo uu halkaas dhowaan ka dhacay qarax Ismiidaamin ah iyo weerar daba socday oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab.

Dhinaca kale wasiiradda maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa booqday cisbitaalka degmada Beledweyne oo ay ku jiraan dhaawacyadii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne waxayna u sheegeen inay aad uga xunyihiin dhibaatada Soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Beledweyne.

Masuuliyiinta ka socda xukuumadda Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa la filayaa in goor dhow ay la hadlaan warbaahinta ayna uga warbixiyaan ujeedada safarkooda iyo waxyaabaha ay kala hadleen maamulka gobolka Hiiraan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles