Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nicholas Kay”Puntland waa looga diyarsan yahay doorashada ka dhacaysa”[Sawirro]

$
0
0

Nicholas Kay oo Raxanreeb.com la hadlay

Nicholas Kay oo Raxanreeb.com la hadlay

Gaalkacyo[RBC Radio]Ergayga gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa markii ugu horeysey si cadd uga hadlay dareenka xilligaan ay Qaramada Midoobay ka qabto doorashada dhacaysa bilowga sannadka cusub,waxana uu sheegay in looga diyarsan yahay Puntland doorashadaasi.

Nicholas Kay ayaa xilligan Puntland ku jooga socdaal saddex maalin ah oo uu ugu korgalayo islamarna shirar ula qaadanayo dhinacyada ay quseyso doorashada soo aadan,waxana maanta oo Jimco ah ku eg safarkiisa uu ku joogo Puntland.

Sidoo kale safar uu ku soo gaaray shalay Nicholas Kay Gaalkacyo waxaa uu shirar kula qaatay Issimada Puntland ee gobolka Mudug iyo musharraxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland kuwaaso ka qeyb galaya doorashada dhacaysa bisha Jannaayo ee sannadka soo socda,waxana uu kula hadlay qabka loo wajahayo doorashada.

Nicholas Kay ayaa ugu horeen shir ballaaran kula qaatay Issimada gobolka Mudug hoyga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,waxana labada dhinac ay kawada hadleen dorka ugu aadan doorashada iyo sidii si isku mid ah looga shaqeyn lahaa doorashadu inay noqto mid lugu wadda-qanco.

Nicholas Kay oo  la shiray Issimada gobolka Mudug

Nicholas Kay oo la shiray Issimada gobolka Mudug

Waxana arrimaha uu Kay kala hadlay Issimada ugu muhimsanna afar qoddob oo kal aah.

1. In doorashada Puntland ay ku qabsoonto xilligeeda 8-da Janaayo 2014.

2. In Guddiga xalinta khilaafaadka ay noqdaan kuwo laga wada tashaday, layskuna waafaqsan yahay magacaabistooda, iyadoo la isla gartay in xilligeedii la taagan yahay.

3. In la joogo wakhtigii xulista xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland, sidaasi darteed in la soo dedejiyo soo magacaabista xubnahaasi, lana xaq dhawro xubnaha gabdhaha ay leeyihiin.

4. Shirka Isimada Puntland oo la isla gartay in wakhtigiisii dib loo dhigo illaa iyo inta ay doorashadu dhacayso, dawladda cusubna ay hirgeliso.

Intaas kadib Nicholas Kay waxaa kulan albaabadu ay u xirnaayen uu la qaatay xubno ka mid ah musharaxinta u taagan xilk amadaxtinomo ee Puntland kuwooda ku sugan Gaalkacyo waxana uu kala hadlay doorashada iyo sida loo wajahayo,waxana la sheegay in labada dhinac qoddobada qar ay isku af garten halka sida la sheegay qoddobo kale ay isku afgan waayen oo dib loo dhigay.

Xilligii uu so dhamaaday Nicholas Kay  shirka uu la qaaday musharaxinta ayaa hadal uu siyey Raxanreeb.com,waxaa uu ugu hadal imaatinkiisa Gaalkacyo iya wixii ugu soo baxay shirarkii uu ku qaatay.

…”"”"Safar keygii ugu horeeyey ayaan ku soo gaaray Gaalkacyo,waxana saddex jeer imid Puntland,xilligaan ujeedada safarkayga waxay la xiriirta arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay Puntland ugu dhici lahayd doorosho xor ah oo haddana noqoto mid dadkoo dan wadda qancisa,Arrinta kale ee an Gaalkacyo usoo gaaray waxaa ay tahay  inaan dhageysto dadka ay qusayso doorashada ee ah madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, musharraxinta iyo odayaasha dhaqanka, waxaana ka maqlay dhammaantood horumarka ay doorashadu sameeysay…”"”"ayuu usheegay Kay Raxanreeb.com xilli uu l ahadlay.

Waxaa uu soo hadal qaaday sidoo kale kulamadiisa uu ku yeeshey Gaalkacyo waxana uu tilmamaay inay guul ugu dhamaaden shirarkiisa Gaalkacyo,waxana sidoo kale uu soo hadal qaaday Kay inay muhiim tahay xulista guddiga khilaafad oo uu sheegay in waqtigii la soo magacaabi lahaa la jooga,waxana uu caddeyey in loo bahan yahay xubnaha guddiga ka mid noqonaya inay ahaadamn kuwo dhex dhexaad ah.

Isku soo wada duubo Nicholas Kay ayaa waxaa lugu wadda inuu maantay soo gaba gabeeyey socdalka qaatay mudda saddexda maalin ah ee uu ku joogay Puntland,waxana uu isla galinkii dambe ee shalay uu ku labtay Garoowe waxana sii sogootiyey maamulka gobolka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay),dhinaca kale maantay ayaa waxaa lugu wadda inuu tago Kay magaalada Boosaaso  halkaaso oo uu sheegay inay isku arki doonan xubno kam id ah musharaxinta iyo Issimada ku sugan.

IMG_9900 IMG_9905 3 14 13

Nicholas Kay oo  la shiray Issimada gobolka Mudug

Nicholas Kay oo la shiray Issimada gobolka Mudug

8 6 IMG_9860 IMG_9862

Nicholas Kay oo Raxanreeb.com la hadlay

Nicholas Kay oo Raxanreeb.com la hadlay

IMG_9886 IMG_9897
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles