Nairobi[RBC Radio]War ka soo baxay ciidmada Mareykanka ayaa lagu sheegay inay qorsheynayaan in ay saldhigyo milateri oo ay ku bixi doonto malaayiin dollarka Maraykanka ah ka samaystaan xadadka ay Soomaaliya la leedahay wadamadda Jabuuti iyo Kenya,waxana arrintaan lugu sheegay inay tahaymid uu ku doonayo Marekanku inuu ku xoojiyo dagaallka uu kula jiro kooxo uu isagu ku sheego inay yihiin argagixisada barriga Afrika.
Sidoo kale warar lugu soo daabacay wargays ka soo baxa USA iyo mid kale oo isna ka soo baxa Kenya ayaa lugu qorey in xukuumada saldhiggidu uu yahay Washington dejinayso qorshe ballaaran, kaas oo ay saldhiggyo waa wayn uga dhinayso xuduudaha ay Kenya iyo Jabuuti la wadaagaan dalka Soomaaliya.
Afhayeen isagu u hadlay taliska milateriga ee Marekanku uu ku leeyahay Afrika aya isagu dhankiisa waxaa uu xaqiijiyey in saldhiggyadda cusub loog agoleyayhay sidii wax looga ogaan lahaa dhaq dhaqaaqyadda dagaall ee ay waddan kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al Shabaab.
….”"”‘Hadafka iyo ujeedada saldhiggyadda an ka sameynayno xuduudaha labada dal ee dariska la’ah Soomaaliya waxaa ay tahay inan wax ka ogaano dhaq dhaqaaqa ay wadaan kooxda dagaallka kula jirta dowlada Soomaaliya ee Al Shabaab,anaga way naga go’antahay inan ka shaqeyno amniga gobolka,waxana ka hortageena khatarkasta oo ka imaankarta kooxaha dagaallka wadda…”"”ayuu yiri afhayeenku.
Sidoo kale afhayeenku waxaa uu soo hadal qaaday in saldhigyada lugu tababari doonno ciidamo ka socda dalalka gobolka ku yaalla,waxaa kalo uu sheegay in ay fududan doonto weeraro ay ciidama Marekanku ka fuliyaan goobaha kooxaha khatarta ah ay ku sugan yihiin.
Horey ciidamada Marekanku waxaa ay saldhigg ciidan ay ku lahaayeen dalka Jabuuti halkaaso weeraro kala gadisan ay ka soo qaadan sida sarakil saldhigga u hadashey ay caddeyen.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio