Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Hiiraan oo faah faahin ka bixiyay dadkii shalay laga soo qabqabtay magaalada Beledweyne

$
0
0

belBeledweyne(RBC Radio) Ciidamada Booliska ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dadkii shalay lagu soo qabqabtay baaritaanadii laga sameeyey xaafadaha magaalada Beledweyne, Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dadkaas howgalka lagu soo qabqabtay ay uga shakiyeen inay qayb yihiin dadka amni xumada ka wada magaalada Beledwyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in howlgalka lagu soo xirxiray dad u badan shacabka aan ka soo jeedin gobolka Hiiraan, wuxuna ka dhawaajiyay in amni xumada  ka jirta gobolkaas ay masuul ka yihiin dadka aan ka soo jeedin gobolka Hiiraan.

Wuxuu farta ku fiiqay taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Hiiraan in weerarada laga fuliyo magaalada Beledweyne ay ujeedadiisu tahay inay lagu carqaladeeyo mashaariicda hormarineed ee ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay inay baaritaanno  ku socdaan dadkii shalay howlgalka lagu soo qabqabtay wuxuuna ka dhawaajiyay in dadka ay ku cadaato inay ka mid yihiin kooxaha dhibaatada ka wada gobolka Hiiraan la maxkamadayn doon laguna qaadi doono dambiga ay ka kageen shacabka gobolka Hiiraan,taliyaha ayaa tilmaamay in lasii dayn doono dadka lagu waayo wax dambi ah.

ugu dambaytii taliyaha ciidamada Booliska qaybta gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in ammaaanka gooblka Hiiraan ay gacan bir ah ku qaban doonaan islamarkaane ay gobolkaaas ka saari doonaan kooxaha amni xumada ka wada gobolka Hiiraan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles