Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka warbixiyay sababta ay mooshinka uga keeneen R/wasaare Saacid

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sababta ay mooshinka uga keeneen Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxayna sabab uga dhigeen inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday R/wasaare Saacid.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed diiriye oo ah gudoomiyaha gudiga xukuuqul Insaanka Haweenka iyo Caruunta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay u dul qaadan waayeen wax qabad la’aanta xukuumadda R/wasaare Saacid ayna ku qasbanaadeen inay mooshin ka keenaan R/wasaare Saacid.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in 6 Bilood ka hor mooshin laga keenay xukuumadda R/wasaare Saacid, waxayna xustay in markaas ay xukuumaddu balan qaaday inay si toos ah u gudan doonto waajibaad loo doortay, balse ay kasoo bixi wayday balanqaadkii ay u samaysay shacabka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Khadiija Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wadato ayaa sheegtay in mooshinka kalsooni kala noqoshada ee laga keenay R/wasaare Saacid uu kala cadaan doonto marka cod loo qaado waxayna ku nuuxnuuxsatay in haddi ay Xildhibaanada Baarlamaanku  isku raacaan inay kalsoonida kala noqdaan R/wasaare Saacid uu xilkiisa waayi doono, Islamarkaane laga rabo maxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu si deg deg ah ku soo dhiso R/wasaare Cusub.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya ayaa soo jiitamayay in muddo ah wuxuuna banaanka u soo baxay Isbuucyo ka hor, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga wada sugayaa inay xaliyaan khalaafka saamaynta ku yeeshay Hay’adaha dowladda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles