Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbixinno ka dhagaystay gudigii loo xilsaaray xalinta dagaalada kasoo cusboonaaday G/ SH/ hoose

$
0
0

astaanta qarankaMuqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinno ka dhagaystay gudigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xalinta dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha hoose.

Gudiga ay dowladda Soomaaliya ku dirtay gobolka Shabeelaha hoose oo ay hogaaminayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay deegaanka Lambar Konton, waxayna sheegeen inay halkaas kula soo kulmeen odayaasha iyo shacabka deegaankaas Islamarkaane ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay wixii ka dhacay deegaanka Lambar Konton.

Gudiga loo xilsaaray xalinta dagaalada ka soo cusboonaaday gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay inay isku soo waafaqeen odayaasha iyo dadka deegaanka in la abuuro jawi nabadeed iyo kalsooni ay ku wada shaqeeyaan shacabka  iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose.

ugu dambayntii R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dagaalada ku soo noqnoqday deegaanada gobolada Shabeelaha hoose, iyo Shabeelaha dhexe, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka, si loo gaaro jawi hormarineed oo ka hirgala guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles