Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii dhowaan kasoo yeeray maamulka Soomaaliland kaasi oo ku saabsanaa in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu amni darro siyaasadeed ka wado deegaanada maamulka Soomaaliland.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay inuu yahay mid aan loo meeldayin oo lala yaabo.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaran dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay dhamaan Soomaaliya wuxuuna su’aal iska waydiiyay warka kasoo baxay maamulka Soomaaliland ee lagu eedeeyey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
“waxaa wax lala yaabo ah war kasoo baxay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland ee lagu eedeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Soomaaliland sida wanaagsan ay u ilaashadeen ammaanka deegaanada maamulka Soomaaliland.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho