Beledweyne(RBC Radio) Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ganaraal. Cismaan Subagle ayaa ka dhawaajiyay inay bilaabi doonaan howgallo lagu xoraynayo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan oo ay wali ku sugan yihiin ururka Alshabaab.
Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne Cismaan Subagle ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ay howgallo balaaran ka samayn doonaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ururka Alshabaab ee gobolkaas.
Gen.Cismaan Subagle abaanduulaha ciidamada Jabuuti ayaa tilmaamay inay beegsan doonaan goob kasta oo lagu sheego ciidamada ururka Alshabaab wuxuuna ku hanjabay inay gobolka Hiiraan awood uga saari doonaan kooxaha caadaystay beegsashada shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Gen. Subagle ayaa xusay in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka bilaabi doonaan howlgallo lagu baacsanayo kooxaha ku dhuumaalaysanaya gudaha degmada Beledweyne, Islamarkaane ay aad u adkayn doonaan ammaanka magaalada Beledweyne.
Abaanduulaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday shacabka ku nool gobolkaas inay taageeraan ciidamada AMIOSM si looga badbaadiyo xasuuqa ay u gaysanayaan ciidamada ururka Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho