Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20185

Maamulka gobolka Hiiraan oo 24saac gudahood u qabtay inay kaga baxaan dadka aan ka soo jeedin gobolkaas

$
0
0

belBeledweyne(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey dadka aan ka soo jeedin gobolkaas inay ka dambeeyaan weerarada iyo qaraxyada laga eegto xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku badan yihiin shacabaka gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Beledweyne Cabdi Bashiir Aadan ayaa sheegay in weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dambeeyaan dad aan kasoo jeedin gobolka Hiiraan, oo sida uu hadalka u dhigay ku yimid dool.

Gudoomiyaha degmada Beledweyne Cabdi Bashiir Aadan ayaa tilmaamay in dadka aan ka soo jeedin deegaanada gobolka Hiiraan ay ku amrayaan inay gobolkaas kaga baxaan 24saan gudahood wuxuuna ku goodiyay inay cawaaqib xumo kala kuli doonaan hadii aysan ku bixin waqtiga loo qabtay.

“Dadka qaraxyada iyo weerarada ka gaysta magaalada Beledweyne waa dad aan u dhalay deegaanada gobolka Hiiraan, waa dad gobolka Hiiraan ku yimid dool oo doonaya inay baabi’yaan shacabka reer Hiiraan waxaa ku amrayaa inay gobolka kaga baxaan muddo 24saac gudahood haddii kale waxay la kulmi doonaan ciqaab adag” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hadalka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xilli uu gobolkaas ka dhacay qarax ismiidaamin iyo weerar daba socday oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee magaalada Beledweyne ayna halkaas ku geeryoodeen shacab badan oo ku noolaa magaalada Beledweyne.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20185

Trending Articles