Garoowe (RBC RADIO) Boqolaal Caruur Da’yar ah ayaa kasoo qayb galay Xaflad loo qabtay Caruurta Puntland qaybna ka ahayd xuska Maalinta Caruurta Aduunka, Caruurtu waxay wateen Darees kala duwan wajiyadooda waxaa ka muuqatay Farxad wuxuuna ahaa barnaamij si wayn looga soo baaraan dagay soo diyaarintiisa wuxuuna xooga saarayay Dhiiri gelinta Caruurta oo inta badan barnaamijka uu iyaga ka hadlayay.
Agaasimaha guud ee Wasaarada haweenka C/raxmaan Maxamuud wuxuu sheegay barnaamijkan qaban qaabadiisa in ay iska leedahay Wasaarada haweenka Puntland iyadoo taakulo ka heleysa Hay’ada Save the Children, wuxuu kaloo sheegay in wasaarada haweenka Puntland ay u taagan tahay u doodida iyo wax u qabashada Caruurta Yar yar nooc walba oo ay isugu jiraan ayna had iyo goor ka qayb qaadanayaan ka farxintooda.
Marwo Aamina Maxamuud Nuur oo ah Agaasimaha Hormarinta Caruurta ee Wasaarada Haweenka waxay ka hadashay Qodobo muhiim ah waxay tusaale u soo qaadatay in ay jiraan Caruur dayacan oo u nugul qataraha sida in kufsi lagu sameeyo la dilo waxbarahada loo diido la dhibaateeyo taasina waxaa ka dhalan karta bey tiri in dalka Jiilkiisa cusub ee usoo socda in uu noqdo mid qariban oo aan hagaagsanayn, waxay fariin u dirtay Waalidiinta Qaasatan Hooyooyinka waxayna u sheegtay in ay gabdhaha yar yar il gaar ah ku hayaan ayna suurta gal tahay in gabdhahaasi xad gudub loo gaysto, waxayana ugu dambayn tilmaantay in Boqolaalkan iyo malaayinta kale ee Caruurta Soomaliyeed ay farxada maanta la wadaageyso.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland oo shirka soo xiray Caasha Maxamuud Axmed iyo Axmed Sheekh Jaamac waxay labaduba cadeeyeen in Caruurta Tilmaamihii laga baxshay ay sax yihiin una baahan yihiin Daryeel, Raashin, Koriismo wacan, Nafaqo ,Waxbarasho, iyo Caafimaad intaa hadaysan haysanna ay dhibaato ka dhalan karto, waxayna koobab iyo hadiyo gudoonsiiyeen 2 koox oo Caruur yar yar ah kuwaasi oo Kubad tar tan ah loo qabtay.
Sida ka muuqata Sawirrada wasaarada haweenka waxay Saraakiisha Wasaradu isku xilsaareen in Caruurta soo koraysa ay ku dhiiri geliyaan in la jecel yahay la doonayo in ay dalka Anfacaan laga fakarayo loona wado tubta toosan oo ah in ay Anfacaan dalka Dadka iyo Diinta,waxaa taa hareer socotay in Kooxo Ay wasaaradau Tartan u qabatay madasha lagu soo bandhigay Ruwaayado heeso iyo gabayo caruurtu ay soo jeedinayaan dadka waynna ay dhageysanayaan iyo boqolaal dhar kala nooc ah qaba oo Madasha lasoo qotumiyay iyagoo dhiiran waana astaanta wax qabad ee Wasaarada haweenka Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.