Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kulanka Mudane Faroole iyo Mr Key oo sidii looga bartay ka duwanayd (warbixin).

$
0
0

 

 IMG_3080

Nairobi (RBC RADIO) Soo Gudbinta waxyaabihi ay ka hadleen  Masuuliyiintu intii lagu guda jiray iyo ismacsalaameyntoodaba ayaa wax wayn ka duwanayd sidii hore Muuqaalka Madaxweyne faroole ayaa isbedel badan ka muuqday iyadoo wajigiisa laga dheehan karay Caro badan waxaana taasi loo aanayn karaa waxyaabihii 2da dhinac ay ka hadleen oo qaarkood aan u cuntamin Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Faroole iyo in shirkii gaarka u ahaa lagu kala kacay leyskuna fahmi waayay.

 

Nicholas key Uqaabilsanaha Qm Arimaha Soomaliya ayaa wararku sheegayaan in si gaar ah uu Puntland ugala hadlay Nimanka lagu eedeeyey Jaajuusnimada ee u kala dhashay Dalalka UK iyo France ayna macquul tahay in Mudane farole la hordhigay sii daynta Ragaasi taasina Puntland ay u cuntami weesay ayna la qumanaatay in Baaritaan dheer ay ragaan ku wadaan siina dayn Karin, Hadalka Madaxweynaha waxaa ku jiray in aan Puntland loo ogolaan doonin dad Fowdo ka dhex abuura taasoo u muuqatay in uu ku durayo Mr Key in ragan ay si qaldan oo Jaajuusjimo ah ay Dalka kusoo galeen sharcigana la marsiin doono,Inkastoo aan la xaqiijin Karin wax yaabihii dhabta ahaa ee ay isla soo hadal qaadeen hadana Masuuliyiinta Puntland sida muuqatay kuma faraxsanayn wax yaabihii ay isla soo hadal qaadeen Uqaabilsanaha QM Arimaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale arintan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowlada France ay dhankeeda xustay in Mid ka mid ah Muwaadiniinteeda oo ku xiran Garoowe uusan Jaajuus ahayn mudo 7baad ka badannah lagu hayo Puntland ayna ku guda jiraan sidii lagu soo dayn lahaa isaga iyo eedeenasaha kale ee la xiran una dhashay Dalka England arintaa xaqiijinteedase Puntland wali kama aysan hadlin.

 

RBC RADIO

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles