Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20464

Xawaaladda Hodon Global Online oo Raashin Ku Wareejisay Guddiga Culimada ee Gacanta ku hayaTabarucaadka (Sawirro)

$
0
0
DSC01211

Raashinka ay Xawaalada Hodon Global Online ku wareejisay Culuma’udiinka

Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta ay Xawaaladda Hodon Global Online ee Puntland ku wareejisay Guddiga Culuma’udiinka ee gacanta ku haya Tabarucaadka loo fidinaayo dadka waxyeeladu kasoo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaanada qaar deeq raashin ah oo ay ugu talagashay dadkaas.

Xawaaladda Hodob Global Online ayaa deeqdan oo ka kooban Bur iyo Bariis si rasmi ah ugu wareejisay Guddiga Culuma’udiinka ah ee Tabarucaadka kawada magaaladda Boosaaso,wuxuuna guddigu ka gudoomay deeqdaas iyagoona ballanqaaday in sidii loogu talagay ugu gudbin doonaan deeqdaas.

DSC01189

Maxamed Shiikh Ismaaciil

Maamulaha Hodon Golobal Online ee Puntland Maxamed Shiikh Ismaaciil oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raashinkaas oo isugu jira bur iyo bariis uu ka koobanyahay 190-kiish ayna Xawaaladu ugu deeqday dadka Walaalahood ah ee musiibadu soo gaartay.

…..’’’’’’Maahan markii ugu horeysay oo ay ka qeybqaataan dhacdooyinka noocan oo kale ah, Insha allaahu tacaalaa,waxaan leenahay dadkaas dhibaatadu ku dhacday oo Walaalaheen ah Ilaahay faraj kheyr qaba ha u furo,wax gacan bini’aadam bixisay wax ka weyn bey u baahanyihiin….’’’’ayuu yiri.

Guddoomiyaha Guud ee Mu'asasada AL- Minhaaj  Maxamed Maxauud Ciise

Guddoomiyaha Guud ee Mu’asasada AL- Minhaaj Maxamed Maxauud Ciise

Guddoomiyaha Guud ee Muasasada AL- Minhaaj  Maxamed Maxauud Ciise ayaa sheegay in Xawaaladda Hodon Global Online kala wareegeen raashin iyaga oo wakiil ka ah dadka dhibaatadu kasoo gaartay duufaanta ku dhufatay deegaanada qaar ee Puntland,wuxuuna ugu duceeyey Xawaaladda doorka ay qaadaneyso gurmadka dadkaas loo fidinaayo.

….’’Hodan Global Online waxaan leenahay ilaahay haku hodmiyo,hodon ilaahay haka dhigo,waxaana leenahay ilaahay Subxaanahu watacaalaa waad hodmeysaan annaguna waan idin duceyneynaa,inta ay gaari doontaana wey idin duceyneysaa…..’’ayuu yiri

Shiikh Axmed Daahir oo ka gudoomay Xawaaladda Raashinka

Shiikh Axmed Daahir oo ka gudoomay Xawaaladda Raashinka

Shiikh Axmed Daahir ayaa ballanqaaday in deeqda raashinka ah sidii loogu talagalay ugu gudbin doonaan dadkii dhibaatadu kasoo gaartay duufaanta,wuxuuna walaalaha kale ee Islaamka ah ugu baaqay iney ka qeybqaataan gurmadka loogu jiro caawinta dadkaas.

…’’Annaguna waxaan u gudbineynaa dadkii tabaaleysnaa oo roobku waxyeeleeyeen oo imtixaanku ku dhacay,marka waxaan leenahay walaalaha kale oo Islaamka ah intii hore oo wax bixisay maahane inta kalena iney ku deydaan haddii loo gurmado walaalahaas dhibaatadas lala qeybsado meel fiican beynu ka gaareynaa…’’’ayuu yiri.

Si kastaba deeqda raashinka ah ee ay Xawaaladda Hodon Global Online ku wareejisay Culuma’udiinka ayaa qeyb ka ah Tabarucaadka loo uruurinayo dadka waxyeelada ba’an kasoo gaartay duufaanta ku dhufatay qaar kamid ah deegaanada Puntland.

DSC01176 DSC01177 DSC01178 DSC01184 DSC01210 DSC01219 DSC01220

_________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20464

Trending Articles