Garoowe (RBC RADIO) Kadib markuu kulankoodi soo Idlaaday waxay 2da Masuul shir’Saxaafadeed ku qabteen Afaafka Hore Qasriga Madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha Puntland oo Hadalka ku horeeyey waxuu sheegay in Masuulkan ay ka wada haldeen Arimaha Nabadgelyada Dalka, Doorashooyinka, Duufaanadii dhacay iyo waxyaabo kale wuxuuna sheegay in ay la wadaageen in dalkan aysan wax rabash ah ka dhici doonin Doorashooyinkuna ay si wacan u dhici doonaan iyadoo amaankana uusan waxba iska bedeleyn aanna la ogolaaneyn in Dalka fawdo la gelsho sidii hore si ka wacanna ay Doorashooyinku ku qabsoomi doonaan ayuu yiri Mudane Faroole.
Wakiilka QM ee Soomaliya Mr Nicholas Key oo hadlay wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland iyo dhamaan dadka Puntland ay uga tacsiyeynayaan marka hore Duufaanadii waxyeelada wadatay ee Puntland ka dhacday wuxuuna sheegay in ay aad uga nexeen kana calool xumaadeen sida ay dadku ugu dhibaatoodeen Musiibadaasi, wuxuu uga mahadcelshay Dowlada Puntland kaalinta ay ka ciyaartay U gurmashada dadkaasi isagoo meesha ka saarin in hay’adaha QM ay iyana Raashinkii ugu badnaa gaarsiiyeen Goobahaasi.
Nicholas Key mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga wuxu tibaaxay in Dowlada hada jirta ay ku dhiirantahay in ay amniga Sukto waxaana ka rajeynaynaa buu yiri in Amaanka Musharaxiinta ay sugi doonto kalsoonina ku beeri doonto raga Musharaxiinta ah,wuxuu sidoo kale ka dalbaday Odayaal dhaqameedka in aysan iloobin Xuquuqdii Haweenka oo ay kaalintooda siiyaan dhanka Xildhibaanada , wuxuu kaloo ku celshay in Arimaha Doorashooyinka ay si dhex-dhexaad ah u dhacaan oo wax walba laga digtoonaado..
Nicholas Key ayeey Macquul tahay in uu sii Joogo Puntland mudo 2cisho ah wuxuuna booqan doonaa magaalada Gaalkacyo halkaasina wuxuu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka Musharaxiinta qaar iyo Isimada Joogta Halkaasi, waana markii 3xaad oo uu Puntland yimaado.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.