Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegey xarunta Dekedda Muqdisho iyo Iskuulka degmada Xamar Jajab oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyntii kormeerkiisa ku bilaabay Iskuulka degmada Xamar Jajab oo ay dowladda Soomaaliya maalgeliso, madaxweynaha ayaa la hadlay Ardayda waxka barat Iskuulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Iskuulkaas ku amaanay qaabka ay u wadaan waxbarashadooda, wuxuuna ku booriyay inay si wanaagsan wax u bartaan si ay u anfacaan dalkooda, Islamarkaane ay sii dar dar geliyaan waxbarashadooda.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan xarunta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay hadda ka socdaa shaqooyin is daba joog ah wuxuuna u kuurgelayaan qaabka ay u shaqayso Dekedda Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda kulan kula leh gudaha Dekedda Muqdisho masuuliyiinta Dekedda wuxuunn kala hadlayaa xaalahada guud ee Dekedda iyo qaabka ay u socdaa shaqooyinka Dekedda weyn ee Muqdisho.
wixii warar ah ee ku soo kordha kormeerka madaxwynaha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa Insha Allaah
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho