Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Wafdi ka socda Jaamacadda Bariga Afrika(JBA) oo Booqday Jaamacadda Kismaayo (Sawirro)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mas'uuliyiinta JBA oo ku sugan dekeda Kismaayo

Mas’uuliyiinta JBA oo ku sugan dekeda Kismaayo

Kismaayo(RBC Radio) Wafdi ballaaran oo u Hoggaaminayo Guddoomiyaha JBA Proff Cabdirisaaq Hiirad Maxamed ayaa dhawaan,waxay booqasho ku tageen magaaladda Kismaayo,waxaa ku weheliyey Guddoomiye Kuxigeenka JBA Dayib Cali Maxamed.

Madaxda JBA ayaa kulan la qaatay maamulka sare , Hormuudyada , Macalimiinta iyo ardayda  Jaamacada Kismaanyo.

Labada Jaamacadood ayaa is dhaafsaday warbixino la xiriira Jaamacadahooda, sidoo kale waxay aad isula lafa gureen sidii loo xoojin lahaa  wada shaqaynta ka dhaxaysa labada Jaamacadaha JBA iyo Kismaayo, taasoo taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen kor u qaadida tayada waxbarashada, ka wada shaqaynta manaahijta , is dhaafiga arayada iyo macalimiinta.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
8
Jaamacada Kismaayo ayaa ah Jaamacada kaliya ee hada si toos ah uga hawlgasha magaalada KIsmayo, taasoo bulshada ku nool magaaaladaas ka daboosha baahiyaha ay u qabaan waxbarashada sare.

Waftiga JBA ayaa intii ay joogeen waxay booqashooyin ku tageen xarumo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xarurnta Jaamacada Kismaayo, Cisbitaalka Jaamacada iyo Dekadada Kismaayo.

Sidoo kale waftiga ka socday JBA waxay kulamo  kala duwan la qaadeen qaybaha kal duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Kismaayo ayaa aad uga mahadceliyay booqshada taariikhiga ah ee JBA ku timid magaaladda Kismaayo , ayadoo waftigii ka socday JBA ay dhankooda uga mahad celiyeen sidii hagarla aanta ahayd ee ay usoo dhaweeyeen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
2
Image may be NSFW.
Clik here to view.
3
Image may be NSFW.
Clik here to view.
4
Image may be NSFW.
Clik here to view.
5
Image may be NSFW.
Clik here to view.
6
Image may be NSFW.
Clik here to view.
7
Image may be NSFW.
Clik here to view.
8

Waxaa nasoo gaarsiiyey: Dayib A. Mohamed

Vice Rector (Adminstration and Finance Affairs)

____________________

Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Facebook
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Twitter
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Google+
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20166

Trending Articles