Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaaraha Soomaaliya oo booqday xarumaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho

$
0
0

saacidMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta kormeer ku tegey goobo badan oo ka tirsan xarumaha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu horeentii kormeerkiisa ku tegey xarunta wasaaradda gaashaandhigga wuxuuna halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay heerka ay marayaan ciidamada xoogga dalka wuxuuna ku booriyay inay si daacad ah ugu shaqeeyaan dadka iyo dalkooda.

Dhanka kale R/wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer ku tegey cisbitaalka Xalane oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM wuxuuna halkaas ku booqday dadkii ku soo waxyeeloobay weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa mid mid u gacan qaaday ciidamado ka tirsan dowladda Jabuuti oo dhaawac ahaan loo keenay cisbitaalka Xalane kuwaas oo ku soo dhaawacmay weerarkii qorsheysnaa ee shalay lagu qaaday saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Beledweyne.

R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa dib ugu soo laabtay Xafiiskiisa ka dib markii uu soo dhamaystay kormeerkii uu ku tegey xaunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo xerada Xalane.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qayb ah howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaan lagu xasuustaa dowladda iyo shacabka reer Jabuuti  taageeradii ay lasoo gaareen shacabka Soomaaliyeed xiliyadii ay abaaruhu ku dhufteen gobolada dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles