Jabuuti (RBC) Iyadoo khasaaraha qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu sii kordhayo ayaa dawlada Jabuuti waxay xaqiijisay in hal askari uu kaga geeriyooday weerarkii shalay ka dhacay Beledweyne.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabkasida ee wadanka Jabuuti Jen. Faatax Axmad Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in hal askari oo ka mid ahaa militariga Jabuuti ee ku sugan Beledweyne uu kaga dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagula beegsaday saldhiga booliska ee magaalada Beledweyne.
“Waxaa naga geeriyooday hal askari ka dib markii kooxda Shabaab ay soo weerartay goob ay ciidamada Jabuuti ku tababaraan ciidamada Soomaaliya.”ayuu yiri jeneraalka ugu sareeya ciidamada Jabuuti oo war saxaafadeed soo saaray.
Askarigan ayaa la sheegay inuu noqonayo midkii labaad oo ciidamada Jabuuti kaga geeriyooda Beledweyne tan iyo intii ay halkaasitageen ciidamada nabad ilaalinta ee ku hawlgala magaca AMISOM, waxaana horey Jabuuti uga geeriyooday askari labaad sanadkii hore markii weerar lagu soo qaaday fariisin ay ciidamadooda ku leeyihiin duleedka Beledweyne.
Dhinaca kale waxaa kordhay tirada dadka ku nafwaayey weeraradii isxigay ee ismiidaaminta iyo weerarka tooska ahaa ee shalay lagu qaaday saldhiga booliska oo ah goob ay dad badan oo rayid ah ay u tagaan dacwadaha madaniga ah. Illaa 22 ruux ayey dhimshada mareysaa, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka halka dhaawacyadana ay gaareen illaa 30 ruux.
Qaar ka mid ah dadkii qabay dhaawacyada culus ayaa loo duuliyey magaalada Muqdisho si loogu soo daweeyo.
RBC Radio