Boosaaso(RBC Radio) Guddiga Tabarucaadka ee dadkii waxyeelada duufaantu kasoo gaartay roobabkii ka da’ay Puntland CYCLONE 03A oo dhawaan tagay deegaanadii dhibku ka dhacay ayaa ka warbixiyey wixii ay soo arkeen.
Mu’sasada Al-Minhaj oo hoggaamineysay xubno isugu jiray culuma’udiin,ganacsato,aqoonyahan iyo xubno kale kamid ah qeybaha bulshada ayaa tagay meelihii ugu khatarsanaa ee duufaantu waxyeeleysay.
Masjidka Al-Rowda oo ay ku qabteen kulan Saxaafadeed ayuu guddigu kaga warbixiyey Socdaalkii ay ku mareen deegaano kamid ah gobolka Nugaal oo ay si weyn u saameysay duufaanta CYCLONE 03A.
Shiikh Faarax Maxamed Cajab ayaa ugu horeyn sheegay in guddigu uu soo maray deegaanadii ugu darnaa ee waxyeelada duufaantu sida weyn raadka ugu yeelatay isla markaana ay gaarsiiseen deeq raashin iyo agab kale ah.
Wuxuu sheegay in Mu’sasada Al-Minhaj ay ahayd Hay’adii ugu horeysay oo ka Jawaabtay maalintii dhibka ugu badan uu dhacay iyada oo adeegsaneysa aqoonyahanka,ganacsatada ,culuma’udiinka iyo dadweynaha guud ahaan.
Shikh Daahi Aw-Cabdi oo kamid ah Culuma’udiinka Puntland kana mid ah Guddiga Tabarucaaadka ayaa si qoto dheer uga hadlay Socdaalkii ay ku tageen deegaanada qaar iyo dhibaatadii ay Indhahooda kusoo arkeen.
Shiikha ayaa sheegay in deegaanadii ay tageen laga dheehan karayey waxyeelada duufaantu u geystay dadka iyo duunyada,Isagoona arrinta dhacday ku tilmaamay iney tahay mid lagu cibra qaato.
Mar uu ka hadlaayey waxyeelada ugu daran ee duufaantu u geystay dadkii ku dhaqnaa deegaanada ay tageen ayuu sheegay in wixii ay kusoo arkeen ay tahay mid dadka naftooda waano ugu noqon doonta.
….”"Weliba waxyaabaha aan soo aragnay waxa kamid ah xoolaha haray wey jiranyihiin wey bukaan,waxad arkeysaa Orgi ama ri qoortu laabatahay,waxad arkeysaa arigii oo anaga oo dhex socona dhacaya,dadku wey dhexjoogaan mise waxaa saas u daadsan bakhtigii….”"ayuu yiri.
Sidoo kale Shikh Daahi Aw-Cabdi ayaa xusay in dadkii ay u tageen ku farxeen u imaatinkooda isla markaana ay u muujiyeen iney la qeybsanayaan dhibaatada gaartay ee duufaanta CYCLONE 03A.
….”Annaga Safarkayagaasi,wuxuu ahaa safar Al-Xamdullilaahi,in Ilaahay Xasanaadkayaga wuxuun kaga daro, dadku wey nagu farxeen oo waxay noo qaateen inaan Culeyskii iyo dhibtii iyo murugtii iyo dadkii ay waayeen iyo xoolihii ay waayeen inaan la qeybsaneyno….”"ayuu yiri.
Dadka ay soo arkeen ayuu Shikh Daahi Aw-Cabdi ku tilmaamay iney ahaayeen dadka shacab ah oo xoolihii ay dhaafeen balse Ilaahay ku kalsoon oo EEBE aaminsan.
Gabagabadii ayaa Shikh Daahi Aw-Cabdi Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in laga rabo iney u gargaaraan dadkaas Walaalahood ah ee dhibaatada duufaanta CYCLONE 03A waxyeeladu kasoo gaartay.
Dhanka kale Shiikh Axmed Yuusuf Daad,Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland iyo Generaal Cali Ismaaciil oo iyana hadalo soo Jeediyey ayaa ku baaqay in loo gargaaro dadkaas,waxayna duco iyo mahadnaq u direen dadkii sida Walaaltinimada leh uga qeybqaatay Tabarucaadka.
Si kastaba weli,waxaa socda Tabarucaadka loo fidinaato dadka waxyeeladu kasoo gaartay duufaantii CYCLONE 03A ee ku dhufatay deegaanada qaar kamid ah Puntland
____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30(at)gmail.com