Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirka madaxweynayaasha Afrika iyo Carabta oo maanta ka furmi doona magaalada Kuwait ee xarunta dalkaas

$
0
0

Kuwait(RBC Radio) Shirka madaxweynayaasha Afrika iyo Carabta oo maanta ka furmi doono magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u matalaya gudoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii dowladaha Afrika iyo Carabtu ay isga kaashan lahaayeen arimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo hormarinta dalalkaas, waxaan sirka maanta ka qaybgalaya madaxweynayaasha lixdan dowladood oo ka kala socda Arfika iyo dalalka Carabta.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Csimaan Jawaari oo shalay gaaray magaalada Kuwait ee xarunta dalkaas ayaa lagu wadaa inuu shirka ka soo jeediyo khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo taageeradda ay dowladda Soomaaliya uga baahantahay dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka tirsan tahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay taageerro ugu heli lahayd dib u dhiska dalka iyo hormarinta adeegyada Bulshada ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday, dowladda Soomaaliya ayaa rajjo wanaagsan ka qabta inay taageerro ka hesho dalalka Jaamacadda Carabta ee ka qaaybgalaya shirka maanta furmi doona.

Shirka maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada kuwait ee xarunta dalka Kuwait ayaa lasoo gabagabayn doonaa maalinta barre ah. waxaana la filayaa inay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah Soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

.

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles