Muqdisho[RBC Radio]Mike Spencer Bown oo u dhashay dalka Canada ayaa noqday dalxiisihii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho taga tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka sanadkii 1991-kii.
Ninkan oo 41-jir ah ayaa la sheegay inuu horey u dalxiis tagay 150 dal oo kale, laakiin markii uu ka soo tagay garoonka Muqdisho maalmo ka hor waxaa adkaatay inay waaxda socdaalka Soomaaliya rumaysato inuu dalxiise yahay.
Saraakiisha laanta socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada caasumada inoo ah ee Muqdisho ayaa u maleeyay inuu waalan yahay nin 41-jir ah oo ka soo dagay garoonka, kaas oo sheegay inuu yahay dalxiise.
Wakalaadda wararka ee AFP ayaa iyaduba markiiba dabagal ku sameysey dalxiisahaan,waxana la sheegay inuu yahay rugcada dalxiis oo dalal badan tagay.
Mike Spencer Bown ayaa isagu sheegay inuu la socda xaaladda ka jirta Muqdisho iyo gud ahaanba Soomaaliya,balse waxaa uu caddeyey inay Muqdisho iyo Soomaaliyaba ahayd meelaha uu sida weyn ugu fakiri jiray inuu tago oo soo ogaado nolasha ka jirta.
Sidoo kale Mike waxaa uu bilaabay markii uu Muqdiisho tagay inuu booqdo goobo kala gadisan oo Muqdisho ku yaalla,inkasto xilligii uu yimid Muqdisho lama filan ay ku noqtay laanta socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Cumar Maxamed oo ka tirsan saraakiisha socdaalka Soomaaliya ayaa usheegay wakaaladda wararka ee AFP inuusan ninkan oo kale arkin, isla markaana uu rumeysan waayay markii uu Mike Spencer sheegay in ujeeddada uu u tagay Muqdisho ay tahay dalxiis oo kaliya.
….”"”"Runtii wax lama filan ah ayey nugu noqotay xilligii an aragney in ninkaan uu ka soo dagay diiyaaradii siday,wan is eg egnay markuu noo soo galay,waxana markiba nugu soo dhacdey waa nin xanuusan oo meesha uu jooga an ka warheyn,taas waxaa nooga darneed oo an rumeysan weynney markii uu inoo sheegay in ujeeddada uu Muqdisho u yimid ay tahay dalxiis oo kaliya….”"”"ayuu yiri Cumar Maxamed oo ka tirsan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Mike Spencer Bown ,ayaa isagu dhankiisa ka hadlay wixii uu kala kulmay xiligii uu ka soo dagay diyaarada waxana isagoo qoslaya uu yiri…“”"”Afar jeer ayay isku dayeen inay diyaaradda igu celiyaan, balse waan qayliyay, oo waxaan ciyaaray farsamooyin ilaa diyaaraddii i keentay ay kacday…”"”" ayuu yiri Mike.
Muddadii uu dalxisahaan ku sugna Muqdisho si fiican ayuu waqtigiisa ugu qaatay walow hoteelkii uu daganaa uu ahaa mid si culus loo waardiyaynayay oo uu amnigiisu sugna.
Socdaalka uu ninkaan Muqdisho ku yimid waxaa ay imaanaysa xilli laamaha dalxiiska ee dalal badan oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Canada ay ku dhiirragalinayaan muwaadiniintooda inaysan u dalxiis tagin Soomaaliya.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio