Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamadda dembiyada ee magaalada San Diego oo saddex ruux oo Soomaali ah xabsi ku xukuntay

$
0
0
Soomaali lugu xukumay Marekanka

Soomaali lugu xukumay Marekanka

San Diego [RBC Radio]Maxkamada ku taalla dalka Marekanka gaar ahaana  magaalada San Diego ee gobolka California ayaa xukun xadhig ah ku riday saddex nin oo Soomaali ah oo lagu helay falal la xidhiidha caawimaad lacageed oo ay u fidiyeen urrro argagixiso oo in mudo ahba kiiskoodu soo jiitamayay.

Soomaalidan la xukumay ayaa waxaa loo heysta danbiyo,taaso kentay inay maxkamadu ridu xukun xariga ah,waxana raggaan  la xukumay ay kala yihiin  Basal Macalim oo lagu xukumay 18 sano oo xadhig ah, Sheikh Maxamed-Khadar Maxamuud oo ahaa imaamkii masjidka San Diego oo isna lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah, iyo Ciise Dhoore oo 10 sano lagu xukumay.

Basaley Mocalim, oo wade gaari ka ahaa magaalada San Diego ayaa lagu riday xukunka ugu dheer ee seddexda ruux, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah, sida qaadiga maxkamada magaaladaasi uu ku dhawaaqay.

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay in Mr Macalin oo 36 sano jir ah uu ka dambeeyay dadaal ku aadan in u dhawaad 10,900$ oo lagu taageeray ururka Alshabaab, xiligii ay la dagaalamayen dowladii KMG aheyd.

Sidoo kale war ka soo baxay madaxa booliska bulshadda magaaladda Sendiego ayaa lugu sheegay  in dadkan ay u furantahay in ay maxkamadda racfaan ka qaataan isagoo xusay in raggan baaritaanno lagu hayay ilaa iyo laga soo bilaabo sanadkii 2003,dii.

Dacwadaan ayaa ahayd mid ay mudadaanba dhowrayeen Soomaalida ku nool gobolka California ee dalka Mareykanka  waxaana Soomaalida gobolkaasi ay walaac ka muujinayaan dadka Soomaalida lagu helo falalka argagixisanimo.
__________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles