Garoowe (RBC RADIO) Agaasimaha Cusub ee Hay’ada Wadooyinka Puntland oo dhawaan lasoo magacaabay maxamuud C/Nuur ayaa Maanta mar uu xilka la wareegayay wuxuu codsaday marka hore in ay la shaqeeyaan dadweynaha si ay u hirgasho himiladiisa ku aadan in uu wax badan ka qabto wadooyinka burbursan ee Puntland ku yaala kadib markii uu Maanta xilka kala Wareegay Agaasimihii hore Eng, Xasan Mirre xilwareejintaasi oo ay kasoo qayb galeen Madax ka tirsan Puntland iyo Masuuliyiin kale kana Dhacday Xarunta Hay;ada ay ku leedahay magaalada Garoowe.
“ Waxaan ku faraxsanahay sida sharafta leh ee xilkan la iigu aaminay anigoo tixgelin siinaya Engineerki iiga horeeyay shaqadan laygu wareejiyay waxaan rajeynayaa in aan sida ay tahay uga soo bixi doono anigoo kaashanaya Shacabka Reer Puntland iyo Dowladaba, waxaan ku rajaweynahay inaan xal u heleyno Wadooyinka haleysan iyo kuwa dayactirka u baahan waana marag ma doonto in ay shaqo badan ina hor taal laakiin waxaan taasi o dhan uga gudbi doonnaa iskaashi iyo shaqo badan aniguu kaashanaya sidoo kale shaqaalaha iyo Engineerada kale ee Hay’ada ayuu yiri Agaasimaha Cusub ee Xilka la wareegay Mudane Maxamuud C/Nuur.
Engineer Xasan CIsmaan oo ahaa Mudanihii wareejinayay Xilka ayaa dhankiisa waraaq qoraal ah ka aqriyay Madasha oo ku saabsan Agabka kala duwan ee uu wareejinayo iyo inta ay ka kooban yihiin, wuxuu kaloo sheegay Engineer Xasan intii uu joogay Xafiiska in ay wax badan u qabsoomeen qaarna ay u dhinnaayeen hadana uu ku rajo weyn yahay in hawshu meesheeda ay kasii socon doonto, wuxuuna xilkii si toos ah ugu wareejiyay Agaasimaha Cusub xili ay goob jog ahaayeen Madax ka tirsan Dowlada Puntland iyo marti sharaf kale.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowlada oo madasha ka hadlay waxay ka dardaarmeen Wadooyinka Dayacan ee u baahan in wax laga qabto ka war hayntooda iyagoo labada masuul ee Xilka la kala wareegay midna sii sagootiyaya midna u rajeeyey in shaqadiisa uu si hufan u guto, deegaanada Puntland waxaa wali jira wadooyin wax qabad u baahan oo ku burburay roobabkii ugu dambeeyey ee ka da’ay Deegaanada Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.